10/05/2022
War DEG DEG ah: Magacyada iyo Liiska madaxda lunsatay Raashiinkii Sacuudiga ee Beledweyne.
Maamulka gobolka Hiiraan saraakiisha amniga iyo madaxda gargaarka iyo musiibooyinka gobolka Hiiraan ayaa lunsaday Raashiinkii dowladda Sacuudi keentay magaalada Beledweyne kaas oo loogu tala galay dadka dan yarta ah.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa lunsaday 2500 oo kaar oo raashiinka danyarta loogu tala galay waxa aayna xly illa Glb-ta ka iib sadeen Baqaaro ku yaalla Yoobsan.
Taliyaha qeybta booliska Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha Saldhiga booliska Beledweyne iyo Taliye Boolis ah oo lagu magacabo Jamaal kaasi oo baxsad ah ayaa iyane qaatay min 100 kaar taasi oo ka dhigan in booliska Beledweyne qaaten 300 oo kaar rashiinkooda waxa aayna ka iibsadeen baqaar ku yaalla Yoobsan.
Xaawo Axmed Rijaal oo magacdeeda af garashada uu yahay Xaawo Raaxo ayaa uyane lunsatay Raashiinkaasi waxa aayna aheyd Maskaxda ka dambeeysay in rashiinkaasi la musuq-maasuqo 1500 oo kaar raahiinkooda ayeey ka iibsatay baqaar weyn oo ku yaala Yoobsan.
100 ruux rashiinkooda oo maamulka ku xalaaleysaneeyn rashiinkaasi ayaa iyane la boobay.
Xly illa maanta bulshada Beledweyne ayaa aad u hadal haaya fadeexadda maamulka soo wajahday waxaana lagu wadaa in madax badan oo maamulka kamid ah oo musuq-maasuqaasi sameeysay xilka laga qaado.