HF Tours and Travel

HF Tours and Travel We provide adventure services and tour to different beautiful destinations in Kenya �

10 sano kahor. Duullimaadka diyaaradda Malaysia 370 waxay ahayd duulimaad caalami ah oo loo qorsheeyay inay ka duusho Ku...
04/07/2024

10 sano kahor. Duullimaadka diyaaradda Malaysia 370 waxay ahayd duulimaad caalami ah oo loo qorsheeyay inay ka duusho Kuala Lumpur kuna socotay Beijing, diyaaradana waxay aheed Boeing 777-200ER (Reg. 9M-MRO) Maarso 8, 2014.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur dhabaha 32R saacadu markay ahayd 00:41. Labo daqiiqo kadib 00:42 duulimaadka ayaa loo fasaxay inuu kuduulo FL180 waxaana lagu xariiriyey Lumpur Approach oo ku wajahan marinka IGARI.

MH370 ayaa markaas loo wareejiyay Lumpur Radar waxaana loo fasaxay inuu fuulo FL250. Saacadu markay ahayd 00:50 duullimaadka ayaa looshegey inuu kuduulo FL350. saacadu markay aheed 01:07. Xiriirkii ugu dambeeyay ee raadiyaha wuxuu ahaa 01:19 markii kontoroolka Radar ee Kuala Lumpur uu ku amray duulista inay la xiriirto inta jeer ee raadiyaha Ho Chi Minh Air Traffic Control Center, Vietnam: "Malaysiyaan 370 la xiriir Ho Chi Minh 12:09 Habeen Wanaagsan". Mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa ku jawaabay: “Habeen wanaagsan, Malaysian Airlines 370."

Saacadu markay ahayd 01:21 MH370 ayaa lagu arkay shaashadda radar-ka ee Kuala Lumpur Raadaarka koontaroolka markay dhaaftay IGARI. Sagaal ilbiriqsi ka dib summada radar-ka ee MH370 ayaa laga waayay shaashadda raadaarka.

Xiriiriyaha waa la damiyay Daqiiqado ka dib markii laga waayay raadaarka diyaaraddu waxay u duushay jihada galbeed ee Malaysia ka hor intaysan u leexan waqooyi-galbeed.

Xogta raadaarka aasaasiga ah ayaa muujisay in diyaarada lagala socday marinka Malacca.

Hagaajinta raadaarka aasaasiga ah ee ugu dambeeya ayaa dhacay 02:22. Wixii markaas ka dambeeyay toddobo isgacan oo u dhexeeya nidaamka SATCOM ee diyaaradda iyo saldhigga dhulka ee Inmarsat ayaa la duubay. Xogta dayax-gacmeedka ee ugu dambeysay waxaa la duubay 08:11 waqtiga Malaysia.

25/06/2024

soon luxury tours

Baroor diiqda dalka Malawi 🇲🇼 Dhammaan 10-qof oo saarna diyaarada madaxweyne kuxigeenka dalkaas. Army Air Wing Dornier 2...
11/06/2024

Baroor diiqda dalka Malawi 🇲🇼

Dhammaan 10-qof oo saarna diyaarada madaxweyne kuxigeenka dalkaas. Army Air Wing Dornier 228, oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima, ayaa dhintay ka dib markii ay burburtay diyaarada ay saarnaayeen, taasoo la sheegay in la waayay wax yar ka dib abaayo 10:00 subaxnimo ee Isniintii ayadoo lagahelay kaynta Chikangawa

10/06/2024

08/JUUN/24. 1255 Duhur nimo.

de Havilland Canada DHC-2 Beaver Mk.1 R/n C-FFHA oo ay leedahay Harbor Air Ltd. ayaa ku dhacday mid kamida doonmaha kuwa raaxada intii lagu jiray duullimaadyada Coal Harbor Seaplane Base, Vancouver, BC, Canada.

Diyaarada waxaa saarna duuliye iyo shan rakaab ah. Mid kamida doomaha raaxada oo ay saarnaayeen afar qof ayaa waxa ay kaleexaty wadadii ay ku socotay.

Diyaaradda oo kacaysay ayaa awoodi weyday inaykaleexato ama h**ey kakacdo maadama wadadeydi kukici laheed udhineed dariiqii,

diyaaradda oo korka kagadhacday doonta ayaa waxaa soogaarey waxa burbur xooggan oo sababay inay diyaarada biyaha kusonoqoto.

Duuliyaha iyo rakaabki ayaa ku guuleystey in ay ka baxaan diyaarada iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah oo soogaarey.

Waxaa la yaab leh in ay u soo gurmadeen doonidii raaxada ee wadadooda soogashy, doonta waxaa saarnaa afar qof oo labo ka mid ah ay dhaawacyo culus ka soo gaareen shilkaas.

CG, Booliiska iyo EMS ayaa isla markiiba goobta yimid si ay gacan uga geystaan ​ qaadista labada qof ee dhaawacantay.

You can also follow on Instagram to see more.
10/06/2024

You can also follow on Instagram to see more.

Sawirada burburka soogaarey Sanka h**e Radomeka iyo weather radarka ee diyaaradda Airbus A320-214 (OE-LBM) taas oo soo m...
09/06/2024

Sawirada burburka soogaarey Sanka h**e Radomeka iyo weather radarka ee diyaaradda Airbus A320-214 (OE-LBM) taas oo soo martay duufaan xoogan iyo roobab ah intay kusoojirtay duulimaadkeeda OS434 ee ka soo duushay Palma de Mallorca (PMI) kuna socotay Vienna (VIE) horaantii Maanta (09 June) ).

Wax dhaawac ah lagama soo sheegin oo soogaarey rakaabki saarna iyo shaqaalaha intaba.

08/06/2024
Maalinta oo kale. 02 June (1983): Diyaarada Air Canada Duulimaadkeeda 797 waxa ay si degdeg ah ugu degtay Cincinnati ka ...
02/06/2024

Maalinta oo kale. 02 June (1983):
Diyaarada Air Canada Duulimaadkeeda 797 waxa ay si degdeg ah ugu degtay Cincinnati ka dib markii uu dab qabsaday oo aan la garanaynin asalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, diyaarada ayaa waxaa wada qabsadey holaca dabka kadib cagadhigashadeedi ayadoo loodaadiyey albaabada badbaadada deg dega, 23 ka mid ah 46 rakaabka ah oo diyaaradda saarna ayaa kudhintay shilkas.

Shirkada Kenya Airways ayaa xaqiijisay in Duulimaadkeeda KQ 670 ee 30ka bishaan May uu lakulmay (Birds 🦅 strike) ama shi...
30/05/2024

Shirkada Kenya Airways ayaa xaqiijisay in Duulimaadkeeda KQ 670 ee 30ka bishaan May uu lakulmay (Birds 🦅 strike) ama shimbiro kudhacay diyaarada ay waxyeeleyeen ayadoo kadageyso garoonka caalamiga ah ee Kisumu, taasoo keentay in diyaarada ay ku xayirmato dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan; dhammaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaan waxdhibaato ah lakulmim.

Ugu yaraan 12 qof oo rakaab ah oo la socday diyaaradda Qatar Airways oo ka duushay Dooxa kuna socotay Ireland ayay waxye...
26/05/2024

Ugu yaraan 12 qof oo rakaab ah oo la socday diyaaradda Qatar Airways oo ka duushay Dooxa kuna socotay Ireland ayay waxyeelo kasogaareen hawo gariir ay diyaarada lakulantay.

Sida laga soo xigtay warbixinta, diyaaradda Qatar Airways ee QR017, Boeing 787 Dreamliner, waxay soo degtay wax yar ka hor 1:00 duhurnimo. Waqtiga Dublin (1200 GMT).

"Markii ay soo degtay, diyaaradda waxaa loofidiyey adeegyada degdega ah, oo ay ufidiyeen booliiska garoonka iyo waaxdayada dab-damiska iyo samatabbixinta, ayadoo 6 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah [12 guud] oo saarnaa diyaaradda ay soogaareen dhaawacyo kadhashey hawa gariirki ay diyaarada lakulantay," Madaarka Dublin ayaa lagu yiri bayaan.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa laga baaray dhaawacyo, siddeed ka mid ah ayaana la dhigay isbitaallada. "Howlaha duulimaadka ee garoonka Dublin wax saameyn ah kuma yeelan, waxayna u socdeen sidii caadiga ahayd," ayuu garoonku hadalkiisa ku daray.

Dhacdadan ayaa timid shan maalmood ka dib markii diyaarad ay leedahay shirkadda Singapore Airlines oo ka soo duushay London kuna socotay Singapore ay ku qasbanaatay inay ku degto Bangkok sababo la xidhiidha hawo gariir xooggan oo sababay in diyaaradda ay hoos ugusodagto 6,000 feet shan daqiiqo gudahood. Nin British ah oo 73 jir ah ayaa kudhintey dhacdadaas, 20 kalena waxay galeen xaalodo culus oo hada lalatacaalayo.

Dhaleceenta Madaxweyne Kenya William Ruto kunasaabsan diyaarada uu ugusafrey dalka USA ee Boeing 737-700.Madax weenaha a...
25/05/2024

Dhaleceenta Madaxweyne Kenya William Ruto kunasaabsan diyaarada uu ugusafrey dalka USA ee Boeing 737-700.

Madax weenaha ayaa qaatey diyaarada Boeing 737-700 ee lagaleedahy Dubai taas oo qiimaheeda kukacay lacag dhan Ksh200 million unadhiganto 1.5million dollars booqashadiisa ayaa qaadaty 4maaalin kaliya.

Madaxweyne William Ruto ayaa safarkiisa Maraykanka u kireeyey diyaarad qaali ah oo nooceedu yahay Boeing 737-700, taasoo Kenya ugu kici jirtay ugu yaraan KSh 2.4m ($18,000) saacaddii, sida uu daaha ka rogay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ah.

Diyaaradan aaliga ah ayaa markii ugu horreysay uu madaxweynaha kusafray ayadoo muwaadiniinta ay aad uga cadhoodaan. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay mid aan dareen lahayn madaxweynaha, iyaga oo u cuskanaya dhaqaale xumada dalka ka jirta, taas oo ay uga sii dartay cashuuraha cusub ee la kordhiyey.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa difaacay isticmaalka diyaaraddan qaaliga ah, isagoo sheegay in faa'iidada booqashada Madaxeyne Ruto ee Mareykanka aan la barbar dhigi karin qarashka ooga baxa safarkan isaga iyo wafdigiisa.

“Madaxweyne Ruto uxuu u aaday inuu lacag u keeno Kenyanka, waxay noqon doontaa milyan jeer ka badan intii lagu kharash gareeyay safarkiisa” ayuu yiri, isagoo dhaleeceeyay kuwa su'aal ka keenay xad-dhaafka qiimaha safarkiisa madaxweynaha.

21/MAY/24.   1645hr  saac. Waqtiga local ah.Boeing 747-47UF.   Reg.no. N496MC oo ay iska leedahy  Atlas Air waxaa ay gas...
24/05/2024

21/MAY/24. 1645hr saac. Waqtiga local ah.

Boeing 747-47UF. Reg.no. N496MC oo ay iska leedahy Atlas Air waxaa ay gashey shil yar oo dhulka ah kaas oo dhacay Ft.Lauderdale, Florida, USA.

Diyaarada oo ah mid xamuulka Qaali oo ka soo duulay Santiago waxaa loo qorsheeyay in ah ka dagto Miami Intl.Airport laakiin cimilada garooka oo aad uxumeed ayaa diyaarada waxay u weecday dhanka Ft.Lauderdale.

Ka dib markii ay soo degtay diyaarada intay kugudajirtay wadada taxiga ayaa baalka midig ku dhacay mid ah dismahs hangarka ee garoonka.

Burburka ayaa la sheegay inuu fudud yahay iyadoo
Maamulka garoonka diyaaradaha ay baarayan
sababta ay diyaaraddu aad ugu dhawaatay
dhismaha.

Shirkada Kenya Airways ayaa sheegtay in ay si tartiib ah ugu soo laabaneyso sidii h**e ka dib markii  ay shaqada kafarii...
24/05/2024

Shirkada Kenya Airways ayaa sheegtay in ay si tartiib ah ugu soo laabaneyso sidii h**e ka dib markii ay shaqada kafariisyeen labo kamida diyaaraheeda Boeing 787-8 Dreamliner sabab la xiriirta in loowaayey matoor badal ah.

22da Bishaan May 2024, ayay shirkada Kenya Airways xaqiijisay inay heshay mid kamida matoorka ee lagama maarmaanka u ah Boeing 787-8 Dreamliner waxaana lafilayaa in dib ugu soo laabto hawada .

"Caqabadaan ayaa sababtey in xannibaadda keenista qaybaha matoorka. Maanta, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno inaan helnay qalabkii matoorka ee loogu talagalay mid ka mid ah diyaaradaha ay dhibaatadu saameysey," ayuu yiri afhayeenka Kenya Airways.

.

Sheekada diyaarada Boeing 787 ee Air Tanzania. Diyaaradda Air Tanzania Boeing 787-8 Dreamliner ayaa lagu xayiray Malaysi...
21/05/2024

Sheekada diyaarada Boeing 787 ee Air Tanzania.

Diyaaradda Air Tanzania Boeing 787-8 Dreamliner ayaa lagu xayiray Malaysia muddo toddobo bilood ah iyadoo ay jirto cillad matoorka Rolls Royce.

Diyaaradda ayaa ku guda jirtay dayactir iyo adeeg kale ka hor inta aan matoorada dib loogu xirin.

Diyaarada ayaa cadaadis kala kulantay warbaahinta gudaha kadib markii diyaarada lagu sawiray gudaha Malaysia iyadoo matoor la aan ah.

Matindi maareeyaha diyaarada Air Tanzania ayaa beeniyay warbixin uu qoray wargeyska The Citizen ee Tanzania oo sheegayay in 5H-TCJ lagu dayacay Malaysia ka dib markii loo diray baaritaanada C ee waaweyn.

Wuxuu caddeeyay in dayactirka culus ee Air Tanzania B787-8s lagu sameeyo xarunteeda MRO ee Kilimanjaro saddexdii sanaba mar ama 12,000 duulimaadbo.

Qof rakaab ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii diyaarad ay leedahay shirkadda Singapore A...
21/05/2024

Qof rakaab ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii diyaarad ay leedahay shirkadda Singapore Airlines oo ka duushay London kuna socotay Singapore 20-kii bishaan ay la kulantay hawo gariir ba’an.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777-300ER ayaa waxaa saarnaa 211 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah oo lagu qasbay inay si deg deg ah ugu degto Bangkok.

Gegida dayuuradaha ee Yekaterinburg (SVX/USSS), diyaarad ay leedahay shirkadda Ural Airlines ee Ruushka ayaa cilad bixiy...
20/05/2024

Gegida dayuuradaha ee Yekaterinburg (SVX/USSS), diyaarad ay leedahay shirkadda Ural Airlines ee Ruushka ayaa cilad bixiye farsameenayay dulmartay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo, farsamayaqaanka ayaa baarayay cagaha ay diyaaradda ku soo degto ka hor inta aysan duulin, halkaas oo uu xaalad kala kulmay.

"Intii uu sii waday hubinta xaaladda diyaaradda, duuliyaha diyaaradda asagoo sugin calaamadda ogolaanshaha ayuu bilaabay inuu dhaqaaqo, taas oo keentay in farsamayaqaanki uu hoosgalo taayarada diyaaradda."

Dhibbanaha ayaa badbaaday oo loolacararey hospital ka asagoo lafaha kaburburey.

Waxaa la sheegay in gabi ahaan duuliyaashi diyaaradda shaqada laga joojiyay.

Diyaarad Helicopter ah oo uu  saarna MADAXWEYNAHA IRAN iyo xubno kale oo waziira ah ayaa ku ciladowdey dhul buuraley ah....
19/05/2024

Diyaarad Helicopter ah oo uu saarna MADAXWEYNAHA IRAN iyo xubno kale oo waziira ah ayaa ku ciladowdey dhul buuraley ah.

Wararka ka imaanaya wakaaladaha Reuters iyo TV-ga qaranka Iran ayaa sheegaya in diyaarada madaxweynaha Agusta Bell 412 AB-412 AP oo ay leedahay Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa ku jirtay duulimaad ka kooban saddex helikobter oo kolonyo ah kuna safrayay meel ciiryaamo iyo buuraley ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee Iran una dhow xudduudda Azerbaijan asagoo kasoonoqday booqasho uu kutagey dalka Azerbaijan.

Wararka ayaa sheegaya in jawiga xilligaa uu ahaa mid ceeryaamo ah.

TV-ga qaranka Iran waxa uu sheegay in helicopterka madaxweynaha ay la kulantay "soo degis adag" balse taasi waa mala-awaal aad u badan iyadoo kooxaha SAR oo aad u badan isku dayayaan inay helaan booska helikobtarka kuqalibmaty.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan warkan marka ay diyaar noqdaan

Labadii diyaaradood ee kale ayaa si nabad ah ku degay halkii ay u socdeen, goobta ay kuciladowday diyaarada Helicopters-ka ee Madaxweynaha ayaa hadda la baarayaa balse goobta ayaa ah mid aad u adag baaristeeda ayadoo cimiladu ay aad uxuntahy, waxaana hadda ku biiray kooxo Milatari ah raadinta.

Address

Eastleigh
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HF Tours and Travel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HF Tours and Travel:

Videos

Share

Category