20/11/2022
Somalia ayaa loo diiday in cunaqabateynta hubka laga qaado, Cadeymihii iyo codsiyadii ay usoo bandhigtay dhan iyo hadafka la dagaalanka AS marka la qiimeeyey kadib jawaab 'Cunaqabateynta la idink**a qaadayo ah'' ayaa lasiiyey. Haddaba dhinac in qaramada midoobay ay kaa dhahdo ''La dagaal argagixisada, Dhinacna in ay kuu diido hub taya leh oo aad ku dagaalanto maxaa laga fahmayaa?''. Haddii ay ku arkaan in aad ka niyad jabtay go'aankoodii si niyad dhis ah waxaa ay ku dhahayaan ''Bal waayahaye soo diyaarsada 100 wiil oo lix bilood jimicsi dalka dibadiisii aan ugu soo sameyno''.
Wadan dagaal ku jiro oo hub loo diidaayo waxaa ay si cad ah kuu tuseysaa in qaramada midoobay Somalida oo dhan wada Alshabaab in ay u aragto, Si kasto dowlada ay isaga dhigto in Shabaab dagaal ay kula jirto, Weli qaramada midoobay k**a dhaadhicin in Somalia uu kasoo muuqdo dhaqdhaaq Secular ah 😂 Siddaasi darteeda waxaa la oran karaa ''Qaramada midoobay waxaa ay ka baqday in ay hub ku caawiso dad iyaga oo dhan Potential-Alshabaab wada ah''. Hubaal waxaa ah %100 haddii Somaliya ay ka dhex arki lahaayeen dhaqdhaqaaq iyaga xaggoodii ka fiican oo Secular ah oo LGBT...İwm taageero si dagdag ah ayaa cunaqbateynta hubka looga qaadi lahaaa. Caksigeedii dad ku dhahaayo dowlad ayaan nahay haddana surweel yar oo xildhibaanad ay soo xirtay dood ka keenaayo qaramada midoobay waxay leedahay ''Soomaaliyey ama noo midab ekaada haddii kale ciyaartaan noogama caqli badin kartaan''. 😂