Dream Tourism

Dream Tourism Dream Tourism waa shirkad ka shaqeeysa dalxiiska gudaha dalka iyo dibadda, waxa ayna diyaar kula tah

30/09/2023

Hakaba banaanshee


29/09/2023

Wallee xalay xogtaan helay




17/09/2023

Heybad waxaad ku leedahay Dhulkaaga Hooyoo




16/09/2023

Muuqaal hor dhac u ah Dalxiiskii shalay



13/09/2023

Waa Kan Muuqaalkii aad mudada badan sugeysay
Maantana waxey ku beegan-tahay
13-ka September oo loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliya


SAWIRRO  Dalxiiskii Dagmada  Balcad iyo qeyb ka mid ah Saaxiibadii Dalxiiska
09/09/2023

SAWIRRO Dalxiiskii Dagmada Balcad iyo qeyb ka mid ah Saaxiibadii Dalxiiska



Safar Dalxiis oo aan   u qbannay Qaar ka mid ah Howlawadeennada Isbitaalka Mukarrama/lafweyn Dhawaan iyo Muuqaalka Safar...
09/09/2023

Safar Dalxiis oo aan u qbannay Qaar ka mid ah Howlawadeennada Isbitaalka Mukarrama/lafweyn

Dhawaan iyo Muuqaalka Safarkaas insha'allah



Safarkii aad wada sugeyseen oo Ahaa Open Tourism waa uu yimid Fadlan macaamiil yuusan kaa buuxsamin foomka Io dhaqso isd...
28/08/2023

Safarkii aad wada sugeyseen oo Ahaa Open Tourism waa uu yimid
Fadlan macaamiil yuusan kaa buuxsamin foomka
Io dhaqso isdiiwaan gali

Qado Full ah
Casiryo lagu daray qaaci
Isbarasho iyo madadaalo ayaa kuu sii dheer

SAWIRRO: Qeybta 1aad  Safar Dalxiis ayaa  galabta inoo qabsoomay Dagmada Dalxiis la ee Balcad
25/08/2023

SAWIRRO: Qeybta 1aad Safar Dalxiis ayaa galabta inoo qabsoomay
Dagmada Dalxiis la ee Balcad



23/08/2023

Mid kamid ah Muuqaaladii ugu saameynta badnaa



14/08/2023

Dalxiiskii Dalxiisyada
Daawasho wacan Saaxiibayaal
Dalxiis u gaar ah Bulshada NAAFADA AH



SAWIRRO QEYBTA 2aad Safar Dalxiis oo aad uga duwanaa dhammaan Dalxiisayadii aan horay u qabannay Kaliya Dadka Naafada ah...
14/08/2023

SAWIRRO QEYBTA 2aad Safar Dalxiis oo aad uga duwanaa dhammaan Dalxiisayadii aan horay u qabannay
Kaliya Dadka Naafada ah ayuu u gaar ahaa Maalin qurux badan ayey aheed dhabtii
Dhawaan filo muuqaalka Safarkaan Dalxiis oo aan Nuuciisa horay loo sameyn



SAWIRRO QEYBTA 1aad Safar Dalxiis oo aad uga duwanaa dhammaan Dalxiisayadii aan horay u qabannay Kaliya Dadka Naafada ah...
14/08/2023

SAWIRRO QEYBTA 1aad Safar Dalxiis oo aad uga duwanaa dhammaan Dalxiisayadii aan horay u qabannay
Kaliya Dadka Naafada ah ayuu u gaar ahaa Maalin qurux badan ayey aheed dhabtii
Dhawaan filo muuqaalka Safarkaan Dalxiis oo aan Nuuciisa horay loo sameyn



25/07/2023

Soo dhawaawa Macaamiil oo Dalbad Dalxiis Kuna hela waqtiga aad rabtaan iyo qiimo macquul ah
Nagala soo xariir +252617656542

Dream Tourism

25/07/2023

Muuqaalkii Dalxiiska xeebta Jaziira




Soo dhaweynta Safar Salaamada iyo ku Dalxiiska Dalkaaga Hooyo Dream Tourism  waa kuula diyaar ee Gacma furan kusoo dhawa...
25/07/2023

Soo dhaweynta Safar Salaamada iyo ku Dalxiiska Dalkaaga Hooyo
Dream Tourism waa kuula diyaar ee Gacma furan kusoo dhawaaw Dalxiise




Sawirro qeybta 2aad Dalxiiskii Xeebta  jaziira iyo Ardayda jaamacadda
24/07/2023

Sawirro qeybta 2aad
Dalxiiskii Xeebta jaziira iyo Ardayda jaamacadda



QEYBTA 1AAD Sawirada Dalxiiskii xeebta Jaziira
24/07/2023

QEYBTA 1AAD Sawirada Dalxiiskii xeebta Jaziira


23/07/2023

Safar Dalxiis Dagmada Bilicda iyo Bidhaanta wacan ee Balcad

Khamiis 27-ka Bisha
Isdiiwaan galinta waa ey socotaa Tiraduna waa mid xaddidan

Qado
Casiryo
Qaaci
Madadaalo iyo
Isbarasho soo dhawaada Macaamiil


22/07/2023

Habeenkii warsheekh iyo Wacdarihii Shirkadda Dream Tourism


22/07/2023

Muuqaal hordhac usii ah
Dalxiskii Jaziira iyo Teamka Ardayda Jaamacadda Frontier

14/07/2023

Soo dhawaada saaxiibayaal


Soo dhawaada Macaamiil waa Kan safarkii aad wada sugeyseen Warshiikh oo Hal maalin ah Safar Arooryaad Warshiikh ayey Qur...
11/07/2023

Soo dhawaada Macaamiil waa Kan safarkii aad wada sugeyseen
Warshiikh oo Hal maalin ah

Safar Arooryaad Warshiikh ayey Quraacda diyaar ku ahaaneysaa
Saacadda Bixitaanka waa 06:30AM Subaxnimo

Fadlan Tirada oo aad ku kooban yaan lagaa buuxin walaal oo hadda Dalbo
Adigoo soo raacaya lifaaqa WhatsAppka

https://chat.whatsapp.com/KnVxuzjoKA1FMo3ocTt4iU

Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo


11/07/2023





📷 Ali Quusiye

10/07/2023

Muuqaalkii Warshiikh


10/07/2023
Xogtii Warshiikh horay la iiga siiyay iyo Xaaladdaan kale soo kulmay !             Xogtii aan ka heystay Ka hor Safakeyg...
10/07/2023

Xogtii Warshiikh horay la iiga siiyay iyo
Xaaladdaan kale soo kulmay !

Xogtii aan ka heystay

Ka hor Safakeygii Warshiikh waxaan raadiyay Xog kala duwan balse ma helin xog igu filan oo aan ugu yaraan kasii qaado dhiiranaan. Muddo ka badan 6 Bil ayaan oranaayay Warshiikh waan tagayaa .balse marba Filim horar ah oo muujinaaya inaan la tagi karin ayaan helaayay Mar kastana Dib ayaan usii dhiganaayay

Horay ayey Soomaali u tiri "Dagaal intuu Guul-guul kaaga Jaro،Galliimaad kaagama jaro(weerar toos ah)
Anigoo oraahdaan maanka ku haaya ayaan go'aansaday inaan Mar un soo arko Goobtaan Dalxiis oo aan ka helayo Xogaha is Diiddan

Sideedaba kalsoonidu waa halis loo bareero mararka qaar .
Go'aan aan ka laabasho laheyn ayaana ka gaaray Aadista Warshiikh. Balse waxaan raadiyay Qof Dhul-yaqaan ah iyo Qof Deegaan meesha ku ah si aanan qabad uga dareemin halkaas Nasiib wanaag
Mid ka mid ah Asxaabteyda oo lagu magacaabo Ahmed Maalik ayaan lq xariiray waxaana ku iri ii sheeg qof halkaas Deegaan ku ah
Waxuuna igu xiray walaal dhabtii ey Gobannimadu Biya-dhigatay Asaga iyo Qoyskiisaba
Qeybta dambe ee qoraalka ayaana uga hadli doonaa Gobanimmada Qoyskaan . Isla walaalkii la igu xiray ayaa asna Walaalkiis oo Darawal ah igu sii xiray si uu xamar nooga soo qaado .

Kooxda ila socotay Dardaaran nuuc kaste ah ayaan wada qaadannay . Xittaa waxaan iska reebay kuwa eysan Qoyskooda ogeyn
Maadaama uu yahay Safar lasoo dhaxaayo sidoo kalana aanan hubin waxa inaga horreeya, saacadihii u dambeeyay ee Safarkenna waxaan Dareemaayay wal-wal aad u xooggan
Maadaama aan Aallah ka sokow masuul ka ahaa safarkaan,
Waxaana ugu wacnaa xogaha is khilaafsan ee aan ka haayay wadada xariirisa Warshiikh iyo xamar waxaa jiray Qalab aan ugu tala galnay inaan wax kusoo duubno balse Qofkii shaqada kusoo qaban lahaa sidoo kalana ahaa milkiilaha qalabka ayaa isoo hor dhigay su'aalo aanan u Babac dhigi karain oo ey la mid ahaayeen wax kaste oo qalabkiisa soo gaara inaan qaadayo mas'uuliyaddooda wadadana eysan Aheen mid la isku halleyn Karo .
Si fudud ayaan ku iri walaal iska joog Rabbi Safar kheyr qaba hanooga dhigo ma qaadi Karo Wixii kasoo kordhaha wadadaas oo sidaas horay kuugu sheegayba waa markeygii 1aad
Waanse Dedaalay intii awooddeyda aheede.

Saacadaha aan usii soconeyno xittaa horay waxaa la iigu sheegay wax ka badan 3 saacadood

Xaaladihii aan kala soo kulmay

Ugu dambeyn waan dhaqaaqnay Dardaaran kadib iyo Akhrinta Adkaarta Safarka . Waxaan kasii baxeynaa Dagmada Kaaraan oo aan uga sii baxeyno Gobalka Banaadi waxaana usii tallaabeynaa Gobalka Shabeellada Dhexe .
Waxaan sii marnay Gal-galo oo ah tuulo sidoo kale waxaan sii marnay Gubadley, Ceel Cadde ، join Carlo, Ceel Macaan iyo Tuulooyin kale oo yar yar

Dhanka Amniga waa waddo illaa xad la isku halleyn Karo
Jack pointiyo yar yar oo si Nidaam ah gaariga Darawalka ow ugu dagaayo unbaan sii aragnay ,
Sidoo kale Hawada Dabiiciga ah iyo dhulka oo u badnaa Deexo hareerta ey xeeb ka saaran tahay waa waxa safarka inoo qurxinaayay

Dhibka ugu weyn oo aan wadada kala kullanay ayaa ahaa Bur-burk ka muuqda wadada
Dhan kale haddii aan ka fiirinno waa Waddo Halbowle u ah Gawaarida yar yar ee Aadda Goballada Dhexe iyo Gawaarida Carra-kaawada usoo daabusha Xamar
Kaliya haddii ey hesho Jaay ayey ahaan kartaa waddo Nidaam ah haddiise ey laami hesho waaba kasii fiican
Waxaana jecleysanaaya qof kaste oo soo Mara

Xaawaraha socodka uu nagu qaatay waa laba saac iyo bar weliba anagoo Jidka Sawirro kusii galnay
Darawalkana Su'aalo badan iyo hadba meesha aan mareyno ayaan weydiineynay
Si Ujeedka Safarkeenna oo ahaa aan uga dhabeyno

Aan usoo laabto Jawiga Dalxiisayaasha
Gudaha Gaariga waxaa saaran 9 Ruux oo Dalxiisayaal ah
Dad horay si gaar ah iskugu yaqaannay ma badneed inta aadka isku taqaan xittaa qaarkood Barnaamijyo Dalxiis oo kale ayey isku barteen.
Sidoo kale waxaa ina socday Saaxiibbo ka tartan Bahada Warbaahinta oo ujeedka safarkooduba ahaa
Kasoo xog-warramidda Dagma Xeebeedka Warsheekh oo ah Biya-dhaca Safarkeenna ,
Qof kaste oo saaran gaariga waxaa ku jira xiiso gaar ah iyo hammuun aan lasoo koobi karin

Socdaal qaatay 2 Saac yo bar kadib waxaan soo gaarnay Halkii saldhigga inoo aheed

Gobannimadii ayaaba halkaan inooga Billaabatay , Salaaddii casir ayaan oognay Isla markiiba Casiryo kala jaad ah oo naloo sii diyaariyay ayaan Afka Saarnay
Waxaana usii jiheysannay Xeebta oo aan kusoo galnay sawirro sidoo kalana Muuqaal kasoo qabanay

Mar kale ayaan gurigii aan ku dagnay oo Isla xeebta saaran imaannay Salaaddi maqrib ayaanu tukannay ,
Fadhi ma jiree magaalada ayaan cagta soo marinnay Suuqeeda iyo xeebteedaba Sagaalkii fiidno ayaan Dabshid sameysannay sidoo kalana koox dhaanto iyo wilisiqo ayaa noo cammirtay
Jawiga oo ahaa Mid cajiib ah Saqdhexe ayaan usoo laabannay Hoygii naloo diyaariyay Mar kale ayaanu Sawiradii iyo muuqaalladii ka howl galnay sidoo kalana aan Cabbaar qaraaxeysannay . Kaalay iska arag Dabeysha Badda toos uga imaaneysa ayaaba ah mid nasoo gaareysa Jawi eysan Cidna dhibsaneyn ayuu ahaa

Abbaara 1da Habeennimo ayaanu kala Seexannay Qolal naloo sii diyaariyay Ragga iyo Dumarka
Waxaanba hilmaamnay Safarkii qof kastana Hurdo Saafi ah ayuu qac ka siiyay
Salaaddii subax ayaa la gaaray waajibka Saladda kadib Mar kale ayaan Dhaqaaqnay oo qorrax soo baxa ka xog doonnay Ujeedkeenna oo ahaa soo Bandhigidda bilicda Dagmadaan Ayan sii galnay sawirro Il-qabad ah Muuqaallo aan ka dhicin , Helidda xog kasii dheer middii aanu rabnay

iyo ugu qaddiimi San ayaanu soo aragnay

Waxaan Dib ugu soo laabannay Gurigii. Mar kale iyo Quraac cajiib ah oo qaarkeen eysanba waligood cunin xiiso iyo xammaasad gaar ahna ku heysay
Cuntadii dalka oo ey ka ahaayeen
iyo ayaan Hammuunta subax ku rognay
Waxaa inoo sii xigay Quraac jaadba jaad ah
Beerka,Maraqa,Canjeerada,Rootiga iyo Dallac -bilaashaka
Ababaay Dookhaada ka ciyaar quraac la yiraa ayaan soo asturnay

Dadkii markaan laba ayey u kala Baxeen kuwa dhahay waan seexaneynaa iyo kuwa dhahay dabaal ayaan rabnaa. Qofkastana dookhiisa ayuu ciyaaray Teamkii Dabaasha ayaa soo ruuqaansaday sidoo kalana Doon isl raacay
Waxaana Tagnay Masaajidkii khadiimiga ahaa iyo Qabrigii caddaa ee nalooga sheekeeyay xalay
Xog dher kadib waxaan Isha soo marinnay Hotellafa magaalada ku yaal

Isla Gurigii ayaan kusoo laabannay Qado aan innaba laga sheekeyn karin oo naloo sii diyaariyay ayaan Xaqeeda soo siinnay
Kadib Boorsooyinkii ayaan soo xir-xirannay inagana waan isi soo diyaarinnay
Ka hor inta aaanan soo dhaqaaqin ayaan casiryo ceynb ceyn ah Dhag kasoo siinnay

Mar kale iyo Safar soo guryo noqosho ah , Sidii shalay oo kale ayaan dhex cammirannay oo aan sawirro kusoo galnay

Markaan Gaarigaba 2 saac ayuu soo socday
Tolow maxaa is baddalay?
Mawadadaa soo yaraatay?
Ma kadibkeen ayaa la dhisay ?
Ma gaarigaan aheen kii aan soo raacnay?

Waxba ha is wareerin waxna isma baddalin Kaloya Dadkaa isi soo fahmay oo Isla jaan qaaday
Weliba magacyo la iskugu soo bixiyay Safarkii ayaa Roob camal la iskaga dhigaayay
Darawalkii aan sii socodkii sii daallinnay soo laabashadii yaaba la hadlay?
Waakaas Gaarigiisa un watee

Ugu dambeyn waxaan si kal iyo laab ah ugu Mahad Celineynaa Qoyskii qiimaha badnaa ee Warshiikh nooga dhigay Qolalkeennii oo aanna aktooda wax cabsi ah ku dareemin iyo darawalka oo Isla qoyska ka mid ah

Marti galiyahii Safarkeenna walaal. Mohamoud Shariif Ali





W/Q. Deeqo Cali Xashi,

10/07/2023

Muuqal Xeebta Jaziira




📷 Daahir Diini

Qorrax dhac iyo Qorrax soo bax Dagma Xeebeedka Warsheekh
10/07/2023

Qorrax dhac iyo Qorrax soo bax
Dagma Xeebeedka Warsheekh


W/Q.  Xayaat Aweys   oo qeyb ka aheed Dalxiisayaashii loo Dalxiis geeyay Dagma Xeebeedka Warsheekh Waqtigu Wuxuu ahaa Mi...
09/07/2023

W/Q. Xayaat Aweys
oo qeyb ka aheed Dalxiisayaashii loo Dalxiis geeyay Dagma Xeebeedka Warsheekh

Waqtigu Wuxuu ahaa Mid kooban Saacad ahaan balse Xiisaha Gudihiisa Ahaaday Ayaan Qiyaas Lahayn
Warshiikh Dhagaha Bis Ayaan ka maqli jiray Waxayna Ii ahayd Mid markasta Oon maqlo Aan naftayda kula Shekaysto Tolow Ayamaa Halkaa Ku gayn Doona ilaa Ugu Dambayntii Riyadaasi Run Urogmatay
Hubaashii Safarku Wuxuu ahaa Mid hamsami leh tuulaba tuulo magaalaba magaalo ugu damnayntii Warshiikh Ayaan Fooda Galinay
Dad badan ayaa Durba Waxaa Maskaxdooda Kusoo Deg Dagaysa Gabar Warshiikh U safartay Tolow miyaa La masaa,furiyay
Waxayse Moogyihiin in Guubtuba Tahay Mid dalxiis oon Qayb Ka ahaa Tiro Dalxiisa Yaal ah oo ay Shirkda Dream Tourism Fursad usiisay inay Halkaa waqti dalxiis ku qaataan

Saaxibadii qiimaha badnaa ayaanan ilaawi Karin een waqtiga soo wada qaadanay
Si la Mid ah marti Galintii fiicnayd Ayaan amaanayaa

Ugu dambayntiina Walaashay Deeqo Cali Xashi oo ayadu safarkaan Noosuurta galisay ayaan mahdsanid leeyahay

09/07/2023

Muuqaalkii Balcad iyo Dalxiisayaashii Asbuucaan Shirkadda Dream Tourism
Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo
Lana Dalxiis Shirkadda Dream Tourism

Qormadaan waxaa qoray Daahir Diini  oo ka mid ahaa Dalxiisayaashii aan u qaadnay Dagma Xeebeedka Warsheekh Safarku ama s...
08/07/2023

Qormadaan waxaa qoray Daahir Diini oo ka mid ahaa Dalxiisayaashii aan u qaadnay Dagma Xeebeedka Warsheekh

Safarku ama socodku waa mid kamid ah 4ta qodob ee Waaya Aragnimada qotada dheer laga helo
Maah maah h**e ayaa oranaysay Nimaan Dhul marin Dhaayo (indho) malahan
Waxaan arartaan Oga gol Leeyahay Wax Ka Tilmaamida Safar 48sacadood Qaatay Oon ku tagay Degamo Xeebeedka Warshiikh Ee Ku Suntan Fidinka barashada Iyo ku dhaqanka Diinta islaamka

Aniga ahaantayda ma ahyn Safarkii Iigu dheeraa Balse waa Mid Ka mid Ah kuwii Ugu milgaha Sareeyay Een Galo
Marka intaas laga yimaado Magaalada aan tagay Waa Mid Leh Sooyaal Soo jireen ah oo ku Suntan Diin Iyo dadnimo Kuna magac dheer Ka qayb ahaan shaha goobaha Leh Sooyaalka Fog Ee umada Soomaaliyeed ay ku faanto
Intaan Sii soconay Waxaan sii marnay meelo ayabu aan Taariikh Dhawayn sida ceel Cade
Furdada (dekeda) John Carlo
Ceel Macaan
Warshadii Kaluunka Haaway
Qabriga Cad Iyo meelo Kala duwan

Carafta Murxaha Buneed
Canbuulada Gaduudan
Shaaha Sonkorta loo badiyay
Kaluunka Sida Sare loo Kalaan kalay
Xerta Iyo culimada ku dhex jirta
Kor uqaadida Erayada Diimeed
Iyo dhismaha masaajidada qurxoon
Waa Astaamo bilawga horaba aad magaalada Ka arki karto

Waa magaalo kutaala Gobolka shabeelaha dhexe masaafa ahaan Caasimada Waxay u jirtaa Qiyaas 66km waana magaalo xeebeed facwayn

Baaxad ahaan ma wayna balse Fac jir ahaan waa mid wayn
Sanadihii Dambe Waxay marti Galinaysay Dadyow Ka baxa muqdisho Si ay halkaas Waqti Iyo Nasiino ugu soo qaataan
Waxaana ku xiisa Galinaaya Marti Soorka Iyo ilbax nimada Meesha Taala
Waxa aan halkaa kusoo arkay ama kula kulmay kuma soo Koobi karo qormo Iyo muuqaal

Waxaananse hilmaami karin waqtigii Bilnaa Een Soo wada qaadanay aniga iyo intii Safarku Na mideeyay
Waxaan Ka soo bartay Dad haldoor ah Aqlaaq San adkaysi Iyo hal abuurna leh Sxbyaal waxaad ii ahaan Doontaan kuwo Sanduuq Xusuuseed Oo Dahabi ah ku Leh Noloshayda
Waxaanan Ilaawi karin Doorkii Hawl Karnimo Iyo isku duba Rid Ee walaashay Deeqo Cali Xashi iyo shirkaddeeda Dream Tourism oon qirsnahay inayba ahayd Maskaxdii Curinta Iyo Caga Ku istaagidaba u ahayd Safarkeena

Ugu Dambayntii Waxaan qirayaa milgihii Soo dhawayneed Ee Reer Warshiikh Noo sameeyeen

Adiga aqriyay mahadsanid

Qeybtii Dabaasha Dalxiiskii Warsheekh Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo
08/07/2023

Qeybtii Dabaasha Dalxiiskii Warsheekh
Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo

Cuntadii Dalka iyo Dagmada dalxiiska Balcad, Shabeellaha Dhexe, Somalia Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo
08/07/2023

Cuntadii Dalka iyo Dagmada dalxiiska Balcad, Shabeellaha Dhexe, Somalia

Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo

Dalxiiskii shalay dagmada  Balcad iyo Bahda shirkadda Dream Tourism Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo
08/07/2023

Dalxiiskii shalay dagmada Balcad iyo Bahda shirkadda Dream Tourism
Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo

Buneysi iyo Dalxiiskii warsheekh Shirkdda Dream Tourism Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo
08/07/2023

Buneysi iyo Dalxiiskii warsheekh
Shirkdda Dream Tourism
Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo

Damaashaadkii iyo Dalxiiskii Dagma Xeebeetks warsheekh  iyo Macaamiisha shirkadda Dream Tourism Ku Dalxiis Dalkaaga Hooy...
07/07/2023

Damaashaadkii iyo Dalxiiskii Dagma Xeebeetks warsheekh iyo Macaamiisha shirkadda Dream Tourism
Ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo

Cadceedda Arooryaad iyo Sawirro Cajiib ah  DALXIISKA DAGMA XEEBEEDKA WARSHEEKH KU Dalxiis Dalkaaga Hooyo Lana Dalxiis Sh...
07/07/2023

Cadceedda Arooryaad iyo Sawirro Cajiib ah
DALXIISKA DAGMA XEEBEEDKA WARSHEEKH

KU Dalxiis Dalkaaga Hooyo
Lana Dalxiis Shirkadda Dream Tourism

Dalxiiska caawa warsheekh iyo Bahda Dream Tourism Ku Dalxiis Dalkaaga
06/07/2023

Dalxiiska caawa warsheekh iyo Bahda Dream Tourism
Ku Dalxiis Dalkaaga

Address

Mogadishu
DREAMTOURISM

Telephone

+252617656542

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dream Tourism posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dream Tourism:

Videos

Share