22/07/2022
Walaal 3 ilaa 5-daqiiqo isku day in muhiimad gaar ah aad siiso qormadaan waayo waxaad kaga faaidi doontaa waxyaabo aadan ogeyn sida nolosha qarsoon ee qabriga ka jirta, marka wax walboo quseeya Allah in aad waqti geliso ood ku mashquusho waa cibaabada qeyb kamid ah🙏
===========================================
Geerida iyo Qabriga waxay kamid yihiin Abuurista ALLAH...
🪦Marka aad dhimato waxaa la wariyey in ruuxdaada ay kusii baaqi ahaan doonto meydkaaga dhinaciisa, sida barkintaada hoosteeda iyo sariirta hareeraheeda waa goormee? Waa marka lagu dhaqaayo iyo marka lagu karfanaayo.
🪦Marka lagusoo aaso naftaada waxay dib ugu soo laabaneysaa jirkaaga, kadib marka qabriga lagu soo dhex dhigo oo lagaa soo tago waxaad usoo kaceysaa sida qof hurdo kasoo kacay oo kale, waxaa la sheegaa in 3-jeer oo isku xigta aad isku dayi doonto in aad soo fariisato qabriga dhexdiisa balse ma aboodi doontid.
🪦Kadib waxaad arkeysa mugdiga ka jira godka qabriga dhexdiisa, laakiin mar walba ood damacdo in aad madaxa kor usoo qaado derbiga qabriga ayaad madax ku dhufaneysa, marka aad aragto xaaladaada in aysan caadi ahayn ayaad rumeysan doontaa in aad ka mid tahay Asxaabul-Qubuurka caawa meesha ku cusub.
🪦Waxyar kadib waxaa kuu imaan doona 2-da Malag ee kala ah Munkar & Nakiir kuwaas oo loosoo wakiishay keliya in 3-su'aalood qabriga dadka ku weydiiyaan, waxa ay kuweydiin doonaan ma ahan baasaboorkaaga, dhalashadada, lacagtaada iyo qabiilkaaga intaba, keliya waxa ay kuweydiin doonaan...
من ربك؟
مادينك؟
ومن نبيك؟
🪦Laba mid uun ayaad noqon doontaa mid haleela oo ka Jawaaba kadiba guuleystaa ama mid ku dhaca oo qasaara, kadib waxaa laguu wadi doonaa meel lagu magacaabo Caalamul-Barzaq waxay leedahay meeshaas laba albaab mid waxa uu kusii jeedaa Jannada midka kalena waxa uu kusii jeedaa xaga Naarta Jahanama, halkaas ayaadna kusugi doontaa xisaabta iyo isa soo saarka maalinta Qiyaamaha.
🪦Markaas kadib laba meelood meel uun ayaad aadi doontaa Janno Alle ha inoo kasee ama Naar Walciyaadu'Billah.
🪦Maalmaha qaar waxaa kusoo booqan doona qaar kamid ah asxaabtaada iyo qaraabadaadii aduunka, waxaa la sheegaa in uu Malag kuu imaan doono kuuna sheegi doono in qof kamid ah ehelkaaga ah kusoo salaamay waxa uu kugu dhahayaa, waxaa kuu yimid Wiilkaaga, Hooyadaada, Gabadhaada, Xaaskaaga ama Saaxiibkaaga.
🪦Kadib naftaada waxay kasoo baxeysaa qabriga waxay soo fuuleysaa buurka sare ee qabriga, waxay rabtaa in ay dhageysato waxa uu dhihi doono qofkaan u yimid ee soo booqday.
Waxaan jeclaystay in aan nafteeyda iyo naftiinaba xasuusiyo geerida si aan isu bar qabano uguna towbad keeno dambiyada aan galeyno maalin walba.
Wixii aan saxay Alle xagiisa ayey ka sugnaadeen balse wixii aan qalday nafteyda iyo sheydaan ayey u sugnaadeen🙏
Aan badino Salliga Rasuulkeena Muxammadﷺ.
Boqran Travel agency✍