30/06/2023
Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay midoobeen labadii gobol ee Soomaaliyeed, ayna curatay Jumhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.
Caawa waa habeen macno weyn ugu fadhiya qof walba oo Soomaali ah, waana ku faraxsanahay in aan dhammaantiin idinla wadaago hambalyada ku aaddan 1da Luuliyo.
Hambalyo ummadda Soomaaliyeed dhammaantood meel walba oo aad ku sugan tihiin dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.