28/11/2022
''Kufsi wax la dhaho ma jiraan, Zino ayaa jirto''. Waa jumlad fasiix ah oo kala dhig dhigan, Waana jumlad xaqqa iyo baadilka isku lebisan ay ku kala soocmayaan. Marka siddani la dhaho; Dooda ugu badan waxaa ay ka imaadaa dad abuurayo problem seddexaad, Sidda waxaa ay ku leeyihiin; Tusaale Qof ayaa xoogay gabdh yar oo 10 sano jirto isaga oo guur aanan soo marin haddaba qofkaasi boqol jeedal haddii lagu dhifto, Gabdha yarta xaqqeedii aaway? Ama Gabdh yar ayaa 10 qofood halmar isugu tagtay, Xadgudubkaasi gabdha loo geystay ma 100 jeedal keliya miyuu ku koobnaanayaa?..... Kadibne Problemkani dushiisa ayey rabbaan in ay ka dhaliyaan dood ah ''XEER KUFSİ AH'' Waa in la sameeyaa.
Zino; Waa xiriir galmo ee dhex mara qof iyo noole kuwaas oo wax xiriir sharci oo isku xira aysan jirin. Zinadu looma fiiriyo raali miyaa la isaga ahaa, Looma fiiriyo ma qasab ayey ku dhacday ama tartiib ayey u dhacday iwm. Zino waa uun Zino, Waxaa la fiiriyaa oo keliya xiriir jinsi ma dhex maray labada qof mise ma dhex marin. Haddii ay sugnaato in Zino ay dhacday kolkaas natiijo waxaa ay noqotaa (Ciqaabta Zinada +Haddii qofka, Qofka uu ka zineystay xadgudub kale uu u raacayne ciqaabtu way kordheysaaa, Sidda qof gabdh 10 sano jirtay ka zineystay, Zinada oo dembi ah, Wixii xadgdudub ee jir ahaan, Maal ahaan, Maskax ahaan, Sharaf ahaan uu u geystay İyaguna waa ciqaab kale oo gooni ah. Kuligoodiina waxaa ay soo hoos galayaan Categoryga Zinada Not Categoryga Kufsiga. Ama waxaa lagu oofinayaa Xadka ugu adag ee Quraanka uu sheegay Suurada Maa'idah Aayada 33.aad.
Laakiin dad aanan qaamuuskoodiiba ku jirin isticmaalka Erayga Zinada, Ee wata halbeeg iyaga u u gaar ah oo ''Kufsi ah'' İyo dad Zino ka doodaayo maxay iska fahmayaan isku luuqadba ma ahee?
Maanta Problemyada ugu waaweyn ee ka jira dunida islaamiga waa adeegsiga Erayada, Tusaale; Waxay kuu keenayaan ''Xeerka Jinsiga'', Adigu bilowgii maba fahmeysid waa maxay xeer Jinsi iyo waxyaabaha laga hadlaayo? Waxaad u maleysaa marka aad dhageysato, Wax aan dhib lahayn oo diinta aan ka horimaaneynin? Xitaa in aad difaacdo ayaa laga yabaa. Asal ahaan waxaas laga hadlaayo ''Xeerka Jinsiga'' ee magaca loogu qurxiyey wax wax diinta ay ka hadashay laakiin habka ay erayga u sameynayaan,İyo Problemyada ay ratibayaan waxa ay kaaga dhigayaan sidda wax aanany diintu ka hadlin. (Problem ka wayna maanta dunida islaamka mowduucani majiro).
Waxaa lamid ah ''Xeerka Kufsiga'', Dad badan oo qalbi wanaagsan waxaa ay isaga maleeyaan in kufsiga laga hortagaayo, Kuwo xeerkani soo alifay waxaad moodaa qubaro ku xeeldheer sociology-ga bulshada sanado in ay daraaseynayeen, Sidda ay erayada u kala dooranayaan, Qaabka ay u fasirayaan xitaa wadaaado diinta soo bartay erayadani waalagu hurdisiin karaaa. Simply waxa ay ka hadlayaan waa Xukunka Zino, Laakiin xaqqa ayey baadil ku daboolayaan kadibne KUFSİ ayey ku dhahayaan (Adigu waad ku wareeraysaa intaa kadib). Axkmaantoodiina mowduuca kufsiga ayey kusoo hoos dhisayaan.
Fitnada Casrigani jirta ee dadka hurdiisisay dadkii soo jeeda ee taxadara xaqiiqo ahaan waa dad badbaaday oo diintoodii ilaalsaday, Kuwii iska dhextiinbada Risk wayn ayey ku jiraaan.