Ber Bera Ali

Ber Bera Ali page waxa ka bogon doonta Xogo cusub iyo kuwo h**e oo laga yaabo inadan waxka ogyn
fadlan page like

24/10/2022
25/03/2022

Kulan cilmiyeedka 19aad ee Magaalada Boosaaso || Habeenkii 2aad || Sh.Dr Xasan SH cali warsame

15/02/2022

Xadiis Nebigaﷺ la weriyey ayaa ahaa
(لا تقوم الساعة حتي يكلم الرجل شراك نعله)
Oo macnihiisu yahay (qiyaamuhu ma dhacaayo ilaa uu qofku la hadlo oo la sheekeysto kabihiisa)

Aad ayaaan ula yaabi jiray sidee ayuu qofka ula sheekeysanayaa kabihiisa!

Hadda waxaa la soo saaray kabo beddeli doona usha ay indhoole-yaashu qaataan, kabahan waxay awood u leeyihiin in qofka aragga naafada ka ah ay u sheegaan meelaha khatarta ah ee uu ku kufi karo, waxay ku shaqeeyaan nidaam fogaan dareen ah, oo qofka uga digaya meelaha godadka , dhagaxyada iyo derbiyada ah.

Naxariis iyo Nabad gelyo korkiiisa ha ahaato'e Nabigeennu wuxuu ku hadli jiray oo dhan waxay ahaayeen waxyi....Waxyaabaha uu horay noogu sheegay ee mustaqbalka dhici doona qaarna waan aragnay kuwo kalena waa noo dhiman yihiin.

اللهم صل على محمد وآله وصحبه أجمعين.
Xigasho :aarfin mohamed

Sheeko murti iyo xikmad laga baran karo Nin Boqor Gacanyare u ahaa  ayaa wuxuu hal hays u lahaa inuu dhaho, "waxaa laga ...
23/01/2022

Sheeko murti iyo xikmad laga baran karo
Nin Boqor Gacanyare u ahaa ayaa wuxuu hal hays u lahaa inuu dhaho, "waxaa laga yaabaa inay khayr tahay" wax kasta oo ku dhaca shar iyo khayrba.
Maalin malmaha ka mida ayay boqorkii far ka mida faraha gacantu ka go'day, boqorkii oo dhiigu ka daadanaya ayuu ninkii gacan yaraha ahaa dhahay, Boqorow waxaa laga yaabaa inay khayr kuu tahay.
Boqorkii hadalkii gacanyarihiisa ayuu ka xanaaqay ka dibna wuxuu amray in la xidho,
Gacan yarihiina wuxuu dhahay kalmadii hal hayska u ahayd.
Maalin danbe ayuu Boqorkii ugaadhsi aaday, ka dib ugaadhsigii ayaa la fogaaday wuxuuna ka baxay dhulkuuka talinayay wuxuuna galay dhul dad cawaan ah ku noolyihiin, ka dib Boqorkii gacanta ayay ku soo dhigeen, waxayna la yaabeen boqorka quruxdiisa waxayna go aansadeen inay Qurbaan ahaan ugu qalaan sanamkooda, markii ay sanamkii dulkenen ee ay raban inay Bireeyaan, ayaa waxay si lama filaana u arkeen fartii go'nayd,
Markaas ayay dhaheen sanamkanaga uma qalmo Qof kala dhiman inaan Qurbaan uga dhigno sidii ayayna ku sii daayeen.
Markuu ku labtay deegaankiisii ayuu gacanyarihii amarku bixiyay in la sii daayo ka dibna loo keeno,
Gacanyarihii markuu u yimid ayuuu sheekadii qabsatay uga sheekeeyay, markuu sheekadii dhameyay ayuu dhahay Anigu Fartii iga go'day sidaad sheegaysay ayuu ii Noqotay, lakin Adiga ma ii sheegi kartaa jeelku khayrka uu kuu Noqday,
Gacanyarihii ayaa dhahay Boqoroow waad ogayd in markasta oo aad meel aadaysid inaan ku raaci jiray, maalinkaa hadaan kula socon lahaa markay adi ku sii daayeen Aniga ayay i birayn lahaayeen.
Waxkasta oo Kugu Dhaca isku day inaadan sharaysanin oo aad ku samirtid, waayo waa Qadar Alle kuu Qoray,
Allena Adoomadiisa Sabirka Badan Ma Hoojiyo.
Alloow Khayrka Na Waafaji.

Xigasho :cilmi iyo aqoon channel -telegram

16/12/2021

Wadooyinka shaydaanka dadka u soomaro iyo sidaa la iskaga leexiyo shiikh dirir

"Barti yaqaan bari uma korodho"    Dadka koonkaan ku sugan badi-dood waxay leeyihin yoolal mid kasto ka midana wuxuu  ma...
08/12/2021

"Barti yaqaan bari uma korodho"
Dadka koonkaan ku sugan badi-dood waxay leeyihin yoolal mid kasto ka midana wuxuu maanka ku haya malin uun waad gaari ;hadaba in maskaxda la shiilo oo go,aan la qaato waa arrin loo bahan yahay fure na u ah qufulka ku xiran af-saarka aad ka gali lahayd yoolka noloshaada , waxase ka muhiim san in wixii la qorsheeyay waxqabad lagu daro ,goobada aad ku jirtid inaad ka talaabsato ayad ku tiigsan karta himiladaada ,❤️
WQ ROOBLE

20/11/2021

Doorka qofka dhalin yarada ah laga rabo

16/08/2021

9 calamadood oo ku tusinayah inad aad u caqli badan tahay

Thaliban oo la wareegtay casimada dalka afghanistan ee kabulMadaxweynihii dalkaas wuxu jooga dalka deriska ah ee takista...
15/08/2021

Thaliban oo la wareegtay casimada dalka afghanistan ee kabul
Madaxweynihii dalkaas wuxu jooga dalka deriska ah ee takistaan

WAR DEG DEG AH :- Xiriirka kubadda cagta Puntland oo eedayn u jeediyey mas'uuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa...
14/08/2021

WAR DEG DEG AH :- Xiriirka kubadda cagta Puntland oo eedayn u jeediyey mas'uuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa shaaciyey inay joojiyeen shaqadii tartanka ciyaaraha Puntland waxaana ay goobta kaga dhawaaqeen inay iscasileen

DEG DEG:Wsaaradda Cayaaraha iyo Dhallinyarada Puntland oo go'aan ka soo saartay cayaartii Sanaag iyo Nugaal ayaa go'aami...
14/08/2021

DEG DEG:Wsaaradda Cayaaraha iyo Dhallinyarada Puntland oo go'aan ka soo saartay cayaartii Sanaag iyo Nugaal ayaa go'aamisey in dib loogu celiyo isla markaasna wax k**a jiraan laga dhigo forfeitkii ka siiyey Nugaal.

Akhriso go'aannadan.

14/08/2021

Mas'uliyiinta xiriirka kubadda Cagta Puntland ayaa goor dhow shirjaraa'id ku qabanaya magaalada Garowe,waxayna ka hadli-doonaan sababaha dhalliyay in ciyaarihii Puntland ay hakad galaan.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka, ayaa lagu soo warramayaa  inay ka dageen garoonka diyaaraddaha ee magaalada Kabu...
14/08/2021

Cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka, ayaa lagu soo warramayaa inay ka dageen garoonka diyaaraddaha ee magaalada Kabul, si ay u soo daad-gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka.

Tirada dhimashada daadad turkiga ku dhuftay ayaa gaadhay 27 iyada oo 10 mayd oo dheeraada la helay  saacadihii lasoo  dh...
13/08/2021

Tirada dhimashada daadad turkiga ku dhuftay ayaa gaadhay 27 iyada oo 10 mayd oo dheeraada la helay saacadihii lasoo dhaafay

Taliban ayaa saaka qabsatay magaaladda Kandahar oo ah magaaladda Labaad ee Afghanistan ugu weyn.
13/08/2021

Taliban ayaa saaka qabsatay magaaladda Kandahar oo ah magaaladda Labaad ee Afghanistan ugu weyn.

19/07/2021

Alle ha inaga hanuuniyo heesaha iyo wixii xunba

24/05/2021

Dhibaatadi wayned

Ciyaaraha "Waxan ahan doona Taageere" sergio Ramos oo marki ugu horaysa laga wayay shaxda  playerska uga qayb galayaha t...
24/05/2021

Ciyaaraha
"Waxan ahan doona Taageere" sergio Ramos oo marki ugu horaysa laga wayay shaxda playerska uga qayb galayaha tartan Euro 2020 xulka qaranka la roja🇪🇸 sababo la xirira inu dhawac ku jiray muddoyinki ugu danbeeyay

Ciyaaraha Lacibka kooxda juvantus ahna captanka xulka qaranka purtuqal ayaa xili ciyaredkan  muujiyay wacdaro wuxu kooxd...
24/05/2021

Ciyaaraha
Lacibka kooxda juvantus ahna captanka xulka qaranka purtuqal ayaa xili ciyaredkan muujiyay wacdaro wuxu kooxdisa kula guulaystay coppa italia isago ku guulaystay gooldhalinta horyal seria A ee dalka taliyaniga isago noqonaya xidigi ugu h**eyay ee ku gulaysta saddex horyal gool dhalintod
Laliga premier leage seria A

23/05/2021
Arrinta Jaamacadaha Turkiga!Tani waa sheekada   Abdirahman Ahmed Abdulahi.Waxa aan arday ka ahaa mid ka mid ah jaamacada...
03/05/2021

Arrinta Jaamacadaha Turkiga!

Tani waa sheekada Abdirahman Ahmed Abdulahi.

Waxa aan arday ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha dalka, gaar ahaanna jaamacadda "East Africa University" faraceeda magaalada gaalkacayo, oo aan ka diyaarinayay heerka koowaad ee waxbarashada, si' nabad ah oo qurux badan ayaa ay iigu soo idlaatay EEBBE wayne ayaana ku mahadsan, ka gadaalna ciddii kale ee safarkaas igala qayb qaadatay oo ay jaamacaddu ka mid tahay.

Kadib waxa aan aaday dalka turkiga waxa aanna ka bilaabay heerka labaad (Master degree), sannadku markii uu ahaa 2019-kii, waxa aan wada bixiyey lacagtii jaamacadda oo dhammayd $4000.

Wax dhib ah kalama aanan kulmin xagga waxbarashada, waxaase dhacday muddo sagaal bilood ah aniga oo jooga dalka turkey in maalin maalmaha ka mid ah ay i soo gaartay farriin taas oo la iigu soo diray Email-kayga farriintaas oo la iigu sheegayo in jaamacaddii la iga joojin doono(cancel-garayndoono), sidoo kalana la raacinayo iqaamaddii aan dalka ku joogay, oo labadaba ay masuul ka ahayd jaamacaddii i aqbashay,
Sababtana waxaa lagu sheegay in aan la aqoonsanayn jaamacaddii aan ka imid oo ka mid ahayd jaamacadaha ka hawlgala deegaannada puntland.

Halkaas markii ay arrintu marayso waxa aan la xiriiray dallad lagu magacaabo "YÖK" taas oo wasaaradda tacliinta sare ee Turkey u qaabilsan jaamacadaha kuwooda la aqoonsanayo iyo kuwa aan la aqoonsanayn.

Waxa ay iisheegeen in aysan aqoonsaneyn jaacamadda aan ka soo baxay ee East Africa University, talo faro waa ay ka haadday, si' kasta waa aan ula hadlay jaamacaddii, waxa aanna ka codsaday in la ii xiro(hakiyo) si' aan hadhow u bilaaban mase suuroobin.
Waxa kale oo aan codsaday in ay isiiyaan waqti si' aan ula xiriiro jaamacaddii aan ka soo baxay iyo wasaaradda waxabarshada qaranka(Soomaaliya), nasiib wanaag waa ay iga yeeleen waxa ayna isiiyeen muddo 6 bilood ah,
Waxa aan xiriir la sameeyay maamulka jacamaddii aan ka soo baxay waxa aan u sheegay wixii aan la kulmay iyo dhibta hadda jirta ee u baahan xalka degdegga ah.

Maamulka jaamacaddu waxa ay iisheegeen in ay dhibaatadaas arday badani ila qabaan ayna ku xallin doonaan muddo saddex bilood ku siman, runtii aad iyo aad ayaan ugu farxay warkaas laakiinse nasiib xumo ma uusan dhaboobin.

Saddex bilood kadib xaalku waxa uu isku beddelay in wax qabad kaleba yeelkiis e aan wicitaankayga iyo farriimahayga midna la iiga soo warcelin, runtii markaan talo faro iiguma jirto, kadib waxa aan isku dayay in aan la xiriiro wasaaradda waxbarashada puntland waxbase iigama soo siyaadin.

Halkaa waxaa ku dhamaaday waqtigii la ii qabtay.
Kadib maxa dhacay?!

"YÖK" waxa aan mar labaad ka codsaday in ay waqti kale isiiyaan waana ay iga yeeleen, intaas kadib waxa aan raadiyay aradaydii dhibaatada ila qabtay, is haleeleel iyo kulammo kadib waxa aan ku tashannay in aannu wasaaradda waxabarshada qaranka(Soomaaliya) xiriir la sameyno, weliba si' toos u abbaarno wasiirka oo markaas ahaa Cabdullaahi Goodax Barre, waannu helnay waxa aanna u sheegannay dhibaatada na haysata xaalkayagana waannu uga warrannay, nasiib-darrose waxa ay jawaabtii wasiirkayagu noqotay "madaxweyne siciid Deni waydiiya sababta ay taasi u dhacday" weedhaas oo niyad jab hor leh nagu sii ridday run ahaantii, aanunna u fasirannay in jawaabtaasi ay ahayd "قول حق يراد به باطل", ama hadal dhab ah balse aan meeshiisii iyo maalintiisii toonna la joogin, wasiirkana aannaan ka mudnayn maadaama aannu ka mid ahayn kumannaanka ardayda soomaaliyeed ee uu markaas wasiirka u ahaa.

Hadda waxa aan dhameeyay jaamacaddii waxa aanna qoray buuggii , intaas kadibna waxa aan isku diyaarinayey in aan u dabbaaldego munaasabadda qalinjabintayda heerka labaad ee waxbarashada. Nasiib-darrose waxaas oo tacab ahi waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, maadaama ay jaamacaddaydii, YÖK iyo wasaaradda waxbarashada turkiguba weli taaganyihiin mowqifkoodii ahaa in ardaynimadaydii aysan waxba ka jirin shardi laga aqoonsado jaamacaddaydii h**e.

Haddaba waxaa mudan in la isweydiiyo cidda arrinkaas masuuliyaddiisa qaadaysa? Maxaase sababay in xaalku sidaas noqdo?

1:- Firfircooni la'aanta jaamacadaha Puntland oo aan galaangal badan muujin, sidoo kalena aan ku dedaalin guud ahaan dhammeystirka agabka ay jaamacadi ku hawlgali karto, badanaana muhiimadda siiya dhanka qarashka(dhaqaalaha soo xaroonaya) ayaa ka mid ah sababaha dib u dhaca u keenaya ardayda Jaamacadaha puntland ka baxa, aqoonsigu ma aha shaqo ay door sidaa u weyn ku leedahay wasaaradda waxbarashada ee qaranku (Soomaaliya), marka laga soo tago in ay iyadu dhankeeda ka aqoonsato jaamacadda aqoonsiga u raadsanaysa dalka turkiga, maadaama ay toos u wada macaamili karaan jaamacadda aqoonsiga doonaysa iyo dalladaas aqoonsiga bixisa. Iyadoo ay jiraan hab iyo waddo ay jaamacaduhu maraan si' ay aqoonsigaas u helaan.

2:- Isfahan-waaga siyaasadeed ee Puntland iyo DFS u dhexeeya oo dhankiisa galaaftay arrimihii waxbarashada middeeda hoose iyo teeda sareba.arrinkaas oo meel ka dhac iyo nabar xaq darro ku ah ardayda puntland iyo mustaqbalkoodaba.

3:- labada wasaarad waxbarsho ee heer gobol iyo heer qaran ayaa si' toos ah u qaadaya masuuliyadda arrinkaas marka laga soo tago qolyahan hoos ku xusan.
B:- Ardayga oo ah isagu kan ay waajibka ku tahay in uu sii daraasadeeyo halka uu ku aaddanyahay ka hor inta uusan qaadan go'aannadan oo kale.

T:- jamaacadaha ay ardaydaasi ka baxaan oo aan iyagu u diyaarin jidkii uu ardaygoodu hayaankiisa ku sii wadan lahaa, isla markaana aan mas'uuliyad iska saarin halka uu ku dambayn doono, maadaama ay iyaga kala dhammaadeen ardayga taas oo ah mid aan qaban iyaga muddanna in wax laga waydiiyo ama lagula xisaabtamo.

J:- agency-da ama guud ahaan cid walba oo ka shaqaysata in ay soo saaraan visaha waxbarasho ee dalka turkiga, kuwaas oo badanaa iibsada mustaqbalka ardayga soomaaliyeed isla markaana cagta u saara jid madow oo aa dhammaad lahayn iyaga oo eeganaya shilimaadka h**e ee ay ardayga ka qaadayaan.

Ugu dambayn

tani waa sheekadayda iyo aragtidayda oo wada socda, waxaa xusid mudan in aysan jirin cid beenin karta dhacdooyinka kor ku xusan ee aan u soo joogay, waxaa jiri kara xaalado tayda ka duwan iyo ra'yi kayga ka geddisan labadaba waan soo dhawaynayaa.

Mahadsanidin

Shahadadi saxaafada
21/04/2021

Shahadadi saxaafada

19/03/2021

Macaliminta hada jidha

09/03/2021

Duco ku anfacaysa

23/02/2021
Dowlada somaliya oo gacanta ku dhigtay hub sharci  darro ah
25/01/2021

Dowlada somaliya oo gacanta ku dhigtay hub sharci darro ah

24/01/2021

Shiikh jabuuti

24/01/2021

Ilaahey xiriir dhab ah la sameeey si aad ugu adkeysato xanuunada nolosha

Feejignaanti ugu sareysay oo la galiyay gobolada maraykanka aydo bari la caleemo saari doono madaxweynaha cusub ee dhawa...
19/01/2021

Feejignaanti ugu sareysay oo la galiyay gobolada maraykanka aydo bari la caleemo saari doono madaxweynaha cusub ee dhawaan la dortay joe biden
FBI maraykanka oo ka digtay inay rabshado sameeyan dibadbaxayaasha hubaysan ee taaagerada u ah madaxweynihii h**e ee maraykan ka donald trum

Saudi Arabia oo qaadeysa tallaabo kale oo la xiriirta xiisada kala dhaxeysa QatarBoqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu...
18/01/2021

Saudi Arabia oo qaadeysa tallaabo kale oo la xiriirta xiisada kala dhaxeysa Qatar
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay albaabada dib ugu furto safaaradeedii magaalada Doxa ee dalka Qatar, kadib khilaaf xoogan oo sanado soo jiitamayay oo ka dhex aloosna labada dal.
Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Faisal bin Farhan ayaa warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu dib usoo celinayo xiriirkii Qatar, isla markaana ay maalmaha soo socda dib u furayaan safaaradii Sacuudiga ee dalkaas.
“Safaaradeena dib ayaa looga furi doonaa Doxa maalmo gudahood, waxaan dhameystiri doona arrimaha lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Amiir Faisal.
Arrintan ayaa imanaysa xili ay dhawaan gaareen heshiis Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar, kaasi oo dib loogu soo celinayo xiriirkii Qatar ee ay sida wada-jir ah u jareen 2017-kii, kuwaasi oo kusoo rogay xiligaas cunaqabteyn.
Heshiiskan ayaa meesha ka saaray cunaqabateyntii Qatar, iyada oo ay shaaciyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inay dib u fureen Doxa xuduudii ay saddex sanno ka hor ay ka xirteen ee Badda, Cirka iyo dhulka.
Qatar ayaa sanadihii u dambeysay wajaheysay cunaqabteyn ay kusoo rogeen dalal carbeed, kuwaasi oo ay hor kacayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo xiligaas ku eedeyay inay xiriir dhow la leedahay argagixisada, taasi oo ay beenisay xukuumadda Doxa.

Xayiraada Qatar la saaray 2017-kii ayaa waxa lagu tilmaamay mid lagu deg-degay oo aan laga fiirsan, iyada oo aan saameyn xoogan ku yeelan dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee Qatar, sida ay sheegtay xukuumadda Doxa.

17/01/2021

Shiikh mustafa

Joe Biden oo saxiixaya go’aano qaarkood saameynaya Soomaalida Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu ...
17/01/2021

Joe Biden oo saxiixaya go’aano qaarkood saameynaya Soomaalida
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxiixi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxiixay madaxweyne Donald Trump.
Kuwa ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.
Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda la yiraahdo Kamal Harris ayaa la wareegi doona talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka 20-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socta.
Madaxweyne Trump ayaanan ka qeybgali doonin xafladda caleema-saarka madaxweynaha isaga baddali doona.
Xigasho casimad online

Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo saaray go 'aamadaan 1. in Bangiga...
16/01/2021

Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo saaray go 'aamadaan

1. in Bangiga lagu xereeyo lacagta shillinga Soomaaliga ee ku badan suuqa dowladda ayaa bar xerayn doonta halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.

2. dolwadduu canshuurta dekedda Boosaaso boqolkiiba 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
2. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.

3. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.

4. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland.

5. In dowladdaha hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga.

6. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda ayna raacaan xeerarka bangiga.

7. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ber Bera Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ber Bera Ali:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Travel Agency?

Share