Abwan sheekaxariir

  • Home
  • Abwan sheekaxariir

Abwan sheekaxariir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abwan sheekaxariir, Historical Tour Agency, .

29/10/2023

Maansadii [Yaa jacaylka gadan kara]

Yaa jacaylka gadan kara
Geel yaa ka bixin kara
Ama gaari qurux badan
Geniyaadka lacageed
Galab yaa ku heli kara.

Ruux guda wanaagiisa
Gacaltooyo kuu qaaday
Dhabna aad u garanaysid
Qalbigiisa yaa geliya
Ku abuura guuxiisa.

Yaa jacaylka gaarsiiya
Qalbi adiga kaa gura fog
Laabtiisa yaa geeya
Ruuxaad u goohayso
Gocanaayo maankaagu.

Yaa jacaylka garansiiya
Qof gafaalay laabtiisa
Kii uu ka guray waayo
Godolkiisa yaa siiya
Ha garowsadee maanku.

10/10/2021

Kala dheer ninkii kaafiriyo kii wakhtiga koobay
Kala dheer nin kurus geel cuniyo midkii gaajo kohanaaya
Kala dheer nin kiciwaayey iyo cunug kashlaynaaya
Kala dheer nin nolol kaydsadiyo koob nin heli waayey

Idinku filan

10/10/2021
10/10/2021

Nina leebka ha u ganin
Ha lugoyn naftaadana
Liishaanka ruux kale
Adi yaanuu kaa lumin
Libintaada guushoo
Loofar yaanu kaa dhigin
Liitoo la raran karo
Adigoo lixaad qaba
Orod libin ku heli kara
Ha u liicin cadowgaa
Hana noqon laayaca
Lumiyaha ku laabudan
Leeleelka belediyo
Dulmi laabta loo tumo

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwan sheekaxariir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Travel Agency?

Share