25/07/2019
Maamulka Sare Ee Kuliyadda Caafimaadka Ee SHAAFI MEDICAL COLLEGE Ayaa Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Dhamaysatay Tababaro Kala Duwan Oo In Mudo Ah U Socday.--------------------------------------------------------------------
Munaasibad Boqran Oo Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Kana Dhacday Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Ee Magaalada Hargeysa Oo Ay Ka Soo Qeyb-galeen Madaxda Kuliyadda Marti Sharaf Badan Oo Lagu Soo Casuumay Xafladda, Walaalidiinta Iyo Ardayda Maanta Loo Qabtay Xafladda Ayaa Tababar Loogu Soo Xidhay Arday Dhan 190 Arday.
Waxaana Halkaa Ugu H**eyntii Ka Hadley Maamulaha Guud Ee Kuliyadda Caafimaadka Ee SHAAFI MEDICAL COLLEGE Dr Mohamed Hersi Ali Waxaana Ka Mid Ahaa Hadaladii Uu Halkaa Ka Jeediyay
“ Maanta Waxaaanu u fadhinaa inaynu maamuusno ardaydii mudada tababaro kala duwan ku qaadaneysay kuliyadda caafimaadka ee SHAAFI MEDICAL COLLEGE farxad weyn ayay noo tahay inaanu manta shahaado gudoonsiinno arday dhan 190 arday oo dhamaystay tababaradaas oo kale ah
1: First Aid Training (Gargaarka Deg-deg ah)
2: Vaccination Training (Talaalka)
3: Leadership And Management
4: Physcholgy Training
Waxayna socdeen muddo bil ah ilaahay mahadi ha ka gaadhee dhamaan tababaradaasi waxay ahaayeen kuwo Free/BILAASH Ah 1$ Lagama qaadin ardaydii 190 ahayd ilaa maantadan aynu xafladda u fadhino waxaana noo sharaf ah in ardayda tababarada qaadatay ay iskugu jireen rag iyo dumar waxaanu u soo xulnay macalimiin takhasus gaar ah u leh tabarada aanu ardayda siinay ugu danbayntii wuxuu kal dardaamay ardaydii mudada uu tababarku u socday in wixii la baray ay ugu adeegeen dadkii iyo goobihii kala duwanaa ee ay ka yimaadeen“
Sida oo kale Waxa halkaa ka hadley Dr Mohamoud Abdi Qiyaas Oo Ka Socday Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxaanu Yidhi.
“Hadaanu nahay bahda caafimaadka waxaanu xuujinaynaa in mihnada caafimaadku tahay mid ay tahay waajib qof kasta oo jamhuuriyadda Somaliland inuu barto sababtuna waa in uu qof kastaa helaa adeeg caafimaad oo tayo sare leh, maamulka SHAAFI MEDICAL COLLEGE waan ku bogaadinaya Shaqada wanaagsan ee ay qabteen runtii waa Goob ay ardayda ka soo baxdaa ee wasaarada noogu timaada ay yihiin arday aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan sida oo kalana xirfad ahaan dhisan ardaydan maanta ay shahaadooyinka gudoonsiinayaa waa arday si free/Bilaash Ah ay wax ku bareen mudadadii ay tababarada kala duwan ku qaadanayeen xaruunta machadka caafimaadka ee SHAAFI waxaan idin leeyahay jasaakumulaahu khayr Sida oo kale ardayda waxaanu kula dardaarmayaa in ayna baylihin aqoontaa iyo juhdigaa la galiyay waxaanan idin leeyahay ardayda waa inaad kor u sii qaadaan mihnadiina caafimaad oo aad halkaa ka sii wadaan “
“Mid Ka Mid Ah Macalimiintii Tababarka Bixinayay Ayaa Sheegay In Ardayda Tabarka Qaatay Ay Yihiin Arday Muhim Ah Waxayna Ahaayeen Arday Ka Soo Dhex Muuqatay Ardaydii Gashay Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee 2018/2019 Waxaanu ardayda Kula Dardaarmay in Wixii la baray ay ku camal falaan sida oo kalana waxa uu ku booriyay in ay waxbarashada halka ka sii wadaan”
Waxaana hadalka qaatay Xubin muhim ah oo ka socday ururada arimaha bulshada sida oo kalana ah madaxa tababarada hay’adda Y-PEER Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Iiman (CAWKE) Waxaanu Yidhi
“Ardaydan waxa ka muuqda tacab badan sababtoo ah qofka marka uu caafimaad baranayo waxa uu baranayaa sidii uu qof kale naftiisa u badbaadin lahaa waliba 190 arday waxay nasiib u heleen in si BILAASH Ah waxa lagu baro taana waa mid aan ku amaano maamulka iyo madaxda sare ee kuliyadda caafimaadka ee SHAAFI, Ardaydana waxaan leeyahay tabackaa laydin galiyay ha khasaarinina”
Waxaana Halkaa ugu danbaynii ka Hadley Dr Cabdicasiis Haruun Maxamed Oo Ka Socday Wasaarada Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Waxaanu Yidhi/
“ Mudanta iyo martida badan ee indhahaygu hayaan waan idiin salaamayaa salaan dib marka h**e waxaan idiin leeyahay 190 arday ee dhamaystay tababarada kala duwan waxaan idin leeyahay HAMBAYO HAMBALYO HAMBALYO, marka xigta sharaf iyo karaamo ayay naga mudanyihiin dhamaan maamulka shaafi Medical college mar hadii ay ardaydaa aan arkayo tababaro kala duwan siiyeen waliba sidaan xogogaalka u ahay ardaydaa waxa wax lagu barayay si Bilaasha ah,ardayda hal kalmad ayaan leeyahay oo ah in ardaydaa nasiibka uu yeelatay in si bilaash ah wax lagu baro waliba wixii ugu wanaagsanaa oo ah CAAFIMAAD markaa ardaydo waa inay ku fara adaygaan wixii la baray “
Ugu Danbaytii Waxa Halkaa Shahaadooyinkii Lagu Gudoonsiiyay Ardaydii Mudada Soo Dhiganaysay Tababarada Kala Duwan Waxayna Munaasibadaasi ku soo Dhamaatay Jawi Dagan.
Shaafi medical college waa kulliyad muhiimada siisa dadka danyarta, ciidamada qaranka caruurtooda iyo carruuta xarunta odhfanada oo dhamaantood la siiyo waxbarasho 100 bilaash ah.
Fadlan La Wadaag Asxaabtaada