Taariikhda Dalkayna Soomaaliya Baro

Taariikhda Dalkayna Soomaaliya Baro History of Somali Country

Q:1aad-Dib u milicsiga magaalada MuqdishoJuly 13, 2019Qoraalkani, wuxuu da’ yarta amaba jiilka soo koraya iyo innta aan ...
13/07/2019

Q:1aad-Dib u milicsiga magaalada Muqdisho

July 13, 2019

Qoraalkani, wuxuu da’ yarta amaba jiilka soo koraya iyo innta aan aqoon u iftiiminayaa muqdisho iyo waayihii ay soo martay, sidoo kale dadka waa weyn ee dhegta un ka maqlay magaca muqdisho ama xamar cadde, ayuu qoraalku u bidhaaminayaa muqdisho xusuusteedii beri h**e iyo is beddelladii kala duwanaa ee ku soo dhacay.
Taariikh ahaan, magaca magaalada Muqdisho , waxaa uu ka soo jeedaa amaba luuqad ahaan uu ka yimid ( Maqcad shah ) oo ah eray faarisi ah lana mid ah ( halka uu boqorka fariisto ) sidoo kale, waxey leedahay oo loogu yeeraa magacyo kale sida:- Banaadir oo markeedii h**e ka timid Bandar oo qudheedaba ah eray Persian ah iyo magaca seddexaad oo taariikh yahannada qaarkood ay aaminsan yihiin inuu ka soo jeedo amaba loogu magac daray ( Himyarite Kingdom ) ximyar oo isu rogtay xadarmaut ama xadarmuud aheydna saldanad boqotooyadii saba (sheba) ka dib ka hanaqaadday dalka yamen, sidaa darteed, waxey yiraahdaan magaca xamar waa ximyar ama xadarmuud oo isu rogtay xamar.
Sidaasi si aad uga duwan waxaa aaminsanaa Soomaalidii h**e oo sida la xaqiijiyay dhab ahaan iyadu magaalada u la baxday magaca Xamar, maa daama uu geedka xamurka la yiraa ee ay mirihiisu cas cas yihiin amaba ay gud guduudan yihiin uu ku badnaa degaanka xamar iyo xamardaye oo marka bacaadka xeebta ah laga soo gudbana ciiddiisu ay aheyd carra guduud, taas oo ay ka dhalatay naaneysta ah Xamar oo micna ahaan noqonaysa midabka guduudan, sidaa darteed magaalada magaceedu mar waa dheddig oo waa Muqdisho, marna waa lab oo waa xamar cadde.
Safarleydii ajaaniibta aheyd ee ka kala imaneysay bari iyo galbeedka, ayey muqdisho u aheyd marin ama saldhig ganacsi iyo goob kulan oo ay ku kala war qaadan jireen intii markaasi isku aragti ka aheyd danaha ganacsi ee ay sida gaarka ah u wadaagi jireen. Sidoo kale dadyowgii marinka muqdisho sida is weydaarka aheyd isu daba marayay, waxaa ka mid ahaa Persianka, Turkida, Burtaqiiska iyo carabihii kala duwanaa oo intooda badaneyd ay Muqdisho u aheyd goob sahan iyo rugta hakadka nasiinada iyo sahay qaadashada, maadaama safarka ay Muqdisho u soo galayaan uu ahaa mid aad iyo aad u dheer xilli uusan matoor jirin ee ay naaquudayaasha doomaha haga ay adeegsan jireen un maryaha dabeysha iyo xeelad gacmeedkooda.
Muqdisho, waxey laheyd seylad amaba suuq weyn oo fagaarihiisa maalmaha talaadada iyo khamiista ah lagu soo bandhigi jiray badeecado kala duwan cid walibana ay keeni jirtay waxa ay heysatay oo kala ahaa ( Nuucyada dalagga beeraha, seddexda meesin ee xoolaha iyo kalluunka gaar ahaan dhegaha yaxaaska oo yurub iyo aasiyaba loo iib geyn jiray iyo mallaayga nuuca milixda ama cusbada lagu qallajiyay ee loo yaqaanno malliixaanka iyo weliba dharka alindiga ah ee gacanta lagu sameeyo, qalinka, Dahabka, beeyada amaba aan iraahdee meydiga fooxa iyo faleenka ).
Intaasi waxaa hareer socday waxyaabaha daruuriga ah ee maalin walba aan nolosha looga maarmin oo aan iyagu talaado iyo khamiis midna ku xirneyn ee sida joogtada ah suuqa looga heli jiray, waxaa ka mid ahaa:- Hilibka, caanaha, badarka, qudaarta, dhuxusha, qoryaha, ukunta iyo cowska oo dhamaantoodba marti loogu ahaa dadka degaanka xamardaye oo iyaguna badeecadahooda ku beddelan jiray raashinka ( sokorta, saliidda, bunka, cusbada, irbadaha, sakiimaha iyo dharka caadiga ah oo u badnaa baftooyinka cad cad oo raggu uu garwaaxeysan jiray dumarkuna ay xilligaasi si gerxerasho ah ugu xarragoon jireen ).
Suuqa ama seyladda wax kala iibsiga badeecadaha waxaa uu ku yaallay meesha hadda uu ka dhisan yahay kawaanka mallaayga dhabarkiisa danbe, gaar ahaan inta u dhaxeysa barxadda masjidka jaamacadda iyo suuq yaraha koodka oo xilligaasi ahaa dhul bacaad ah oo iska bannaan.
Sidoo kale xeebaha, siiba xeebta ( Socondo lido ) jamallada ku xeeran sida:-hoobaalka, mool xaniid, geel laq, mool caliyow, mool mugdi iyo jamal jaan oo intuba ay maanta carruurta ku dhex dabbaalato, waxey ahaayeen guryo iyo xafiisyo magaalada laga maamuli jiray, weyse lumeen laakin weli raadkoodii baa jamallada ka sii muuqda gaar ahaan sallaannada ama jaran jarooyinkii ay guryahaasi lahaayeen ee leysaga gudbayay waqtiyadii uu dhismahoodu cusbaa ee ay shaqadu ka dhex socotay.
Magaalada dhismaheedu, wuxaa uu si dadab ah uga soo billowday afaafka xeebta ku dhirirsan seddexda xaafadood ee kala ah ( Xamar jajab, xamar weyne, shangaanni, iyo qeyb ka mid ah C/casiis gaar minaaradda gabowga ah ee masjidka C/casiis ee ku taalla wejiga albaabka dekaddii h**e dhinaceeda bidix.
Qaab dhismeedka magaaladu, wuxuu ahaa laba nuuc oo kaliya ( daaro dhagax ah iyo carshaan lagu dahaari jiray geedka loo yaqaan baal makuutiga ee xeebaha ka bixi jiray ).
Muqdisho, waxey soo if baxeedii la soo kowsatay xadaarad fog iyo ilbaxnimo qadiimi ah oo ay ka soo dhaxashay qowmiyadihii kala duwanaa ee xeebaheeda cagta soo mariyay, taasina waxaad ku garan kartaa dhismayaasha gabowga ah ee weli uu raad koodu ka dul muuqdo magaalada, waxaana dhagax dhigga masaajiddii ugu horreeyay ee taariikhda ku xusan la billaabay waqti fog oo tusaale ahaan aan u soo qaadan karno dhismayaal ay ka mid yihiin:- Masjidka Fakhru-diin oo dhismihiisa la unkay qarnigii 13aad, sidoo kale waxaa iyaguna uu xilligaa dhismahoodu ku beegnaa masjidka Jaamacadda iyo sida aan horay u soo sheegayba masjidka C/casiis oo minaaraddiisu ay weli taagan tahay.
La soco qeybo kale.
https:// saxafiyare2.wordpress.com
Cali Max’ed Gaaboow

TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYAIYO CALAMADII SOOMAALIDA EEJIRAY BOQOLAAL SANNO KA HORTAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYAIYO CALA...
27/11/2016

TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYA
IYO CALAMADII SOOMAALIDA EE
JIRAY BOQOLAAL SANNO KA HOR
TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYA
IYO CALAMADII SOOMAALIDA EE
JIRAY BOQOLAAL SANO KA HOR.
http://m.facebook.com/
taariikhdadalka/
Calanka Soomaaliya oo loo yaqaan
KULMIYE, waxaa loo aqoonsaday
astaan calan qaran 12/10/1954.
Sanadkii 1949 jamciyada qurumaha
ayaa ogolaatay in talyaanigu xuriyad
gaarsiiyo Somalia , waxaa dusha ka
eegayay in xuriyada nala gaarsiiyo
Masar, Filibiin iyo kolombiya (Egypt,
the Philippines and Columbia) .
Xasuusin: si loo xushmeeyo
saddaxdaa wadan ayaa wadada
guriga Haweenka gadaal ka marto ee
Soomaalidu u taqaan Via Eejito, af
Talyaani ,Egypt af Ingiriis, Masar af
Caribi, (Masar oo af Talyaaniga lagu
yiraahdo Eejito, Engariiska lagu
yihaardo Egypt )ayaa loogu magac
daray, wadada kale ee dhinaca
shaleemada banaadir ka xigtana
waxaa la yiraa Via Filibiin, tan
sadaxaad ee ku sii xigtana waxaa la
yiraa via Kolombia ,welina
magacyadaasi waa ku qoranyihiin
wadada dhinaceeda .
Wadamadaasi waxa ay fududeeyeen
in la dhiso baarlamaankii ugu
h**eeyay ee Soomaalida si sharci
dajinta looga ilaaliyo talyaaniga,
waxaana af hayeenkii ugu h**eeyay
loo doortay Md. Adan Cabdulle
Cusman, oo markii dambe
madaxweyne noqday.
Golihii ugu h**eyay ee sharci dajintu
waxa uu ka koobnaa 70
xildhibaan,60 Soomaali ah oo
xisbiyadu soo xuleen iyo 10
xildhibaan oo loo qaybiyay
bulshooyinka kale ee aan Soomaalida
aheyn (4 Talyaani ah, 4 Carab ah, 1
Hindi ah iyo 1 Bakistaan ah).
Markii guluhu ka hadlayay arrinta
calanka ayaa Md. Maxamed Cawaale
Liibaan soo jeediyay in calanka ay ka
hadli karaan xildhibaanada
Soomaalida ah oo kaliya ,arrintaa
waa loo codeeyay waana lagu
guuleeystay waxaa loo xil saaray
guddi si ku meel gaar ah uu madax
uga ahaa Sh. Omar, waxa uuna soo
jeediyay in arrinta berri laga hadlo,
habeenkaa ayuu Mr. Liiban gurigiisa
tagay. Maalintii xigtay fadhigu wuxuu
bilaabmay 10:30 subaxnimo, Md.
Liiban ayaa codsaday in hadalka la
siiyo gudoomiyihiina waa aqbalay,
Md.Liibaan Shaatiga hoostiisa ayuu
ka soo bixiyay calinkii xabadka
ayuuna saartay, asaga oo ku
salaaxayo boggiisa, gudoomiyihii
ayaa ku amaanay Md. Liibaan in hal
habeen uu calankii ku soo diyaariyay.
Ururkii shaqaalaha ganacsatada
Soomaaliyeed ( the Somali labour
trade union) ayaa u xil saaray
Maxamed Cawaale Liiban in uu soo
diyaariyo calanka. Md. Liibaan waxa
uu sharaxay sababta uu u xushay
calankan, wuxuuna yiri: buluugan
cirka u eg waxaan u xushay in aan
ku xushmeeyo Jamciyada quruumaha
oo xuriyada in aan gaarno gacan
nagu siisay oo calankeedu buluug
khafiif ah yahay, xidig leh 5ta gees
ee hoosta isaga dhegan waa 5tii
qayb ee isticmaarku noo qaybiyay,
Golahiina waa ansaxiyay. Goobta
waxaa la keenay naqshado calama
kale oo aan guuleeysan.Fiiri:
Sawirada 1aad iyo 2aad
Golaha kadib calanku waxa uu
ubaahday in laga ansixiyo odayaasha
dhaqanka Soomaalida si uuna muran
uga imaan, iyana waxa ay iska soo
dhaxdoorteen laba oday oo
magacooda ku ogolaaday kuwaa oo
kala ahaa: xaaji Islaaw Cumar
Yacquub ( duubka Xamar) iyo
Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise
( duubka Marko) labadaa oo calankii
xabadka saartay sheegayna in
magaca dhuubabka ay ku aqbaleen..
Fiiri sawirka.3 aad.
Astaanta qaranka ee labada shabeel
iyo gaashaanka ayaa la ansixiyay
10/10/ 1956 taa oo laga soo xigtay
calaamad ay lahaayeen ciidamadii
Soomaalidu waqtigii gumeysigii
talyaaniga, ciidankaa oo la dhisay 8
June 1919 kii. Fiiri sawirka 4 aad ee
Astaanta qaran. Taariikhda Heesta
iyo muusikada qaranka ma xasuusto
hadda.
Xasuus ii gaar ah: subaxnimadii,
2/2/1991 Saacadu markii ay aheyd
11:00, waxaa ii yimid Nin aanan
aqoon, waa islaamay waxa uu igu
yiri: waxa aan rabaa in aan maanta la
kulmo Md. Cali Mahdi iyo Md. Cumar
Carte Qaalib oo markaa kala ahaa
Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare,
waxa uu ku daray waxaan ka imid
gobalka sh/hoose, waxaan ku iri u
maley maayo in aan aniguba arki
karo maanta, Waxa uu igu yiri: waxaa
fariin iigu soo faray Md. Adan
Cabdulle Cusmaan. Waxaa ku iri waa
nin aan aqaan, waxaan ku iri: maxey
tahay fariintu, waxa uu igi yiri: ilaa
aan arko ma sheegi karo. Waxaan
isku daynay in aan helno, saacadu
markii ay aheyd 12:30 ayaan helnay
ayaga oo isla jooga xarunta golaha
shacabka .
Yaxya Ahaan: . wallaahi, magaca Alle
ayaan ku dhaartaye waa sida ay ugu
qoran tahay buugeyga xusuus qorka
bogga 15aad , 6 da sadar ee ugu
dambeysa ee aan ku qoray fariinta
Md. Adan Cade, 2/ feb/1991.
Waxaa dhacday arrintaan: ninkii
Jeebka ayuu gacanta galiyay, waxa
uuna ka soo bixiyay Calankii
Soomaaliya. waxa uuna sheegay
fariintan uu soo faray Md: Adan
Cabdulle oo aheyd (in la ilaaliyo
midnimada ummadda, Calanku waa in
uu ka taagnaado dalka oo dhan oo
aan wadanku kala go’in). waxaan ku
weydiinaa aqristoow Md. Aadan Cade
muxuu dareemay?
FG: Maanta ayaan soo xasuustay
qoraalkaa waxan ka helay mid ka mid
ah xusuus qoradeydii h**e. ogow
Calanku waxaa uu leeyahay
taariikhdaa, waa Calankii ugu
h**eeyay ee kulmiyay Soomaalida,
loona bixiyay KULMIYE, h**eba waa
u jireen calama badan oo kala gooni
gooni ahaa, dhowr qarni ka hor sida
Calankii Boqortooyadii Soomaalida ee
Awdal, fiiri: sawirka 5aad , Calanka
Boqortooyadii kale ee Zaylac fiiri:
sawirka 6aad iyo Calankii
boqortooyadii Ajuuraan fiiri: sawirka
7aad. Raali ahaaw haddii aan kugu
badiyay.
Qoraalkan Wixii ka khaldan waad sixi
kartaa, ku dari kartaa, dhaliili kartaa,
aragtidaada xor ayaad u tahay.
Qore: Yahya Amir
Cali Maxamed Gaaboow
http://m.facebook.com/
taariikhdadalka/
https://
taariikhdadalkeyna.wordpress.com/
[email protected]/
[email protected]/
http://instagram.com/calisaxafi/
http://tumblr.com/calisaxafi/
http://m.facebook.com/calisuxufi/

27/11/2016

​TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYA IYO CALAMADII SOOMAALIDA EE JIRAY BOQOLAAL SANO KA HOR. Calanka Soomaaliya oo loo yaqaan KULMIYE, waxaa loo aqoonsaday astaan calan qaran 12/10/1954. Sanadkii 1949 ja…

03/09/2016
14/06/2016

Soomaaliya. Soomaaliya (Carabi: ﺍﻟﺼﻮﻣﺎﻝ aṣ-Ṣūmāl) ama Jamhuuriyadda Soomaaliya (Carabi: ﺟﻤﻬﻮﺭﻳﺔ QARANKA (waxaa h**e oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii h**e), waa wad…

14/06/2016

QARANKA Markii dawlad dhexe la wayaaye, waxay dadka Soomaaliya ku nooli ku xalliyaan ismaandhaafkooda sharciyo hoosaad, sida shibil, sharciga Islaamka iyo xeer. Intii burburku ka jirey waxaa dhaqaa…

14/06/2016

QARANKA FOLLOW US TWITTER FOLLOW US INSTAGRAM FOLLOW US TUMBLRE 21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen…

Maxaad ka Taqaana Taariikhda Dalka somaliya Baro ama na bar  _______________________________________TAARIIKHDA DALKA SOO...
15/02/2016

Maxaad ka Taqaana
Taariikhda
Dalka somaliya Baro ama na bar
_______________________________________
TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Horay waxaan uga so Hadalnay

(1){AAS'AASKA TAARIIKHDA MUQDISHO}

IYO

(2){ TAARIIKHAHA MASAAJIDADA
MAGAALADA MUQDISHO}

IYO

(3) {INTA DUQ MAGAALO EE SOO MARTAY
MAGAALADA MUQDISHO KA BILAAW
1936 ILAA 2015}

Insha Allah Waxaan jecelnahay
Taariikhda Dalka soomaaliya Dhamaan inagoon Tuulo iyo gobal iyo dagmo ka tagin inaan idiin so gudbino Hadu Rabi Raali ka noqdo
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
KA BOGASHO WACAN

Haatana waxaan u guda galeeyna
QEEBTII 4aad}
Oo aan uga hadli doono Taariikhda Gobalka Banaadir
___________________________________________

Banaadir waa gobolka ugu yar dalka
Soomaaliya wuxuuna ka kooban yahay 16
degmo waana magaalo-madaxda dalka
Soomaaliya Xamar iyo baadiyaha ku xeeran.
Banaadir waxaa waqooyi ka xiga gobolka
Shabeellaha Dhexe koonfurne Shabeellaha
Hoose iyo bari oo ay ka xigto Badweynta
Hindiya
Banaadir waxaa la isku dhihi jiray qarnigii
19aad Magaalooyinka Soomaaliyeed ee ku
yaal xeebaha Badweynta Hindiya laga bilaabo
Cadale laguna geeyo magaalada Baraawe .
Waaguu gumaysiga Talyaaniga koonfurta
Soomaaliya katalin jirey iyo horaantii
madaxbanaanida dalka Soomaaliya, Banaadir
waxay ka koobanayd gobolada hadda loo kala
yaqaan Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha
Hoose iyo Banaadir balse waxaa la bedelay
198? markii ay Dawladda Kacaanka bedeshey
soohdimaha gobolada Dalka Soomaaliya.
Magaalada muqdishu hada layiraah gobolka
banaadir waxay ahayed degmo ka mid ah
degmooyimkii uu ka koobnaa Gobolkii
Exbanadir sida
Afgoye,
Jowhar,
Marka, Cadale,
Barrawe.

Degmooyinka
Gobolka Banaadir 16 Dagmo
Ayeey ka koobanyihiin

(1)Yaaqshiid.
(2)Kaaraan.
(3)Cabdicasiis.
(4)Shibis·
(5)Boondheere.
(6)Xamarweyne.
(7)Shangaani.
(8)Dayniile.
(9)Dharkeenleey.
(10)Huriwaa.
(11)Hodan.
(12)Howlwadaag.
(13)Waaberi·
(14)Madiino.\\Wadajir
(15)Wardhiigleey.
(16)Xamarjajab

Dagma walibana Taariikh u qaasa ama Waxyaabo eey Caan ku tahay Ama lagu xasuusto ayeey leedahay
Insha Allah Dagma Waliba Taariikhdeeda iyo waxyaabahey ku Caantahay
Hadu Rabi Raali ka Noqdo waan idiin so Gudbin doona

_______________________________________
LA SOCO QEEBAHA XIGA
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Fadlan
Share & Like
MAHADSANID

SOO DIYAARINTI


Q/W

Maxaad ka Taqaana Taariikhda Dalka somaliya Baro ama na bar  _______________________________________TAARIIKHDA DALKA SOO...
15/02/2016

Maxaad ka Taqaana
Taariikhda
Dalka somaliya Baro ama na bar
_______________________________________
TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Qeebtii 1aad Aan kaga so Hadalnay
AAS AASKA TAARIIQDA MUQDISHO

IYO QEEBTII 2aad oo aan kaga
soo hadalnay
TAARIIKHAHA
MASAAJIDADA
MAGAALADA MUQDISHO

Insha Allah Waxaan jecelnahay
Taariikhda Dalka soomaaliya Dhamaan inagoon Tuulo iyo gobal iyo dagmo ka tagin inaan idiin so gudbino Hadu Rabi Raali ka noqdo
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
KA BOGASHO WACAN

Haatana waxaan u guda galeeyna
QEEBTII 3aad} IYO
_______________________________________

INTA DUQ MAGAALO EE SOO MARTAY
MAGAALADA MUQDISHO KA BILAAW
1936 ILAA 2015

Run ahaantii Magala Muqdisho Waxaa so martay 32 Duq magaalo 1936-2015

1 - Dr.Campani Romeo, Podesta,
1-da Disembar 1936.

2 - Rag Scarpa, Podesta, 15- Disembar
1937.

3 - Dr.Sicar, Podestà, 1-da Maarso 1937.

4 - Dr . Barbino Luigi, Podestà, 3-da juun1937.

5 - Dr.Baudino Marcelio, Podesta Aviazione
Capitano da 1-da Novembar , 1937.

6 - Dr.Guliano Sanatore, Podestà, Disembar
1938.

7 - Dr . Bartelli Pietro, Commisario
straordinario, Febraayo 1941.
8 - Oliviero Oliveri, Commisario straordinario
april 1950.

9 - Dr.Aliviero Enrico, 1950 Juun

10: e - Vecco Carlo, Novembar,1953.

11: cali cumar sheegow 1953-1956

11 - Maxamed Shiikh Jamaal Cabdullaahi, Duq Magaalo, 1956-1960 k.

12 - Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo
Novembar, 1960-1962 k.

13 - Dr.Keynadiid Axmed Yuusuf,
Commisario straordinario, 30- Agoosto
1962-1963.

14 - Shariif Maxamed imaankeey Duq
magalo Septenber 1963-1965

15 - Cumar Xasan Maxamuud (Cumar
Istarliin), 1965-1966 Febraayo

16 - Dr.Shariif Maxamed Caydaruus, Duq
Magaalo, Maarso 1966-1970.

17 - G / Sare le Axmed Maxamuud Cadde,
Commisario straordinario, 20- Novembar
1970.

18 - Gaashaanle Sare Cusmaan Maxamed
Jeelle, Commisario straordinario, 8-da
Disembar 1970.

19 - Gaashaanle Sare Xasan Abshir Faarax,
28 Magaalo Duq Maarso 1973.

20 - Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas), Duq
Magaalo, Febraayo 1976.

21 - Dr.Cabdullaahi Salaad Warsame, Duq
Magaalo, Maajo 1981.
22 - Gaashaanle sare Xasan Abshir Faarax,
Duq Magaalo, 1982.

23 - Cali Ugaas Cabdulle, Duq Magaalo,
1987.

24 - Sayid Cumar Xaaji Maxamuud, Duq
Magaalo Jannaayo ,16-1990.

25 - Sarreeye Guuto Axmed Jilacow
Caddow, Duq Magaalo, 18 Oktoobar 1990.

26 konayl Cumar xaashi Aadan
Guddoomiyaha G/banaadir ahna Duqa
magaalada 1992_1994.

27 -Dr. Xuseen Cali Axmed, Duqa
magaalada muqdisho iyo Gudoomiyaha
Gobolka Banaadir 1994

28- Cabdullahi Muuse Xuseen Duqa
Magaalada Muqdisho 2000-2004

28- Maxamed Cumar Xabeeb Duqa
Magaalada/ Gudoomiya Gobolka
2007-2009

29-Eng.Cabdirisaq Maxamed
Nuur/ Guddomiyaha Gobolka
Banaadir 2009

30- Maxamud Axmed Nuur Tarsan
Duqa Magaalada ahna
Gudoomiyaha Gobolka 2010-2013

31- Xasan Maxamed Xuseen
( Mungaab) Duqa Magaalada
ahna Gudoomiyaha Gobolka
2013-

32-Yuusuf Xuseen Jimcaale
(madaale) duqa magaalada ahna
Gudoomiyaha Gobolka 2015

_______________________________________
LA SOCO QEEBAHA XIGA
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Fadlan
Share & Like
MAHADSANID

Asc Duhurnimo wanaagsan Fadlan Hadii aad tahay Qof jecel ama daneeyo inu wax ka Ogaado ama uu wax ka barto Taariikhda Da...
15/02/2016

Asc Duhurnimo wanaagsan
Fadlan Hadii aad tahay Qof jecel ama daneeyo inu wax ka Ogaado ama uu wax ka barto Taariikhda Dalkiinsa Somaaliya

Maxaad ka Taqaana Taariikhda dalka somaliya Baro ama na bar

________________________________________
MASAAJIDADA MAGAALADA MUQDISHO
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
misaajidka xamar
Magaalada Muqdisho waxey ku caanbaxday
masaajido waaweyn oo taariikh fog leh ,oo
ahaan jirtay goobahii cilmiga loo soo doonan
jiray lagana baran jiray culuunta kala duwan ,
waxaan looga imaan jiray geeska afrika oo
dhan waxaa masaajidadaas aay ku caan
baxday xalaqaadka tafsiirka , Xadiithka ,
fiqhiga . maamulkii Muqdisho ka jiray waxey
ku tartami jireen dhisida masaajida iyo
gaabaha lagu barto diinta Islaamka.
Masaajida Muqdisho waxaa ka mid ah :-

1- Masjidka Xamar-Weyne (jaamaca)
Waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay
masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho ,
waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga ,
masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .

2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay
bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga

3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667
hijriga ,
Masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo
dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan
oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan

4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii
7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga
dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas
waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen ‘’
BAR SAVOY’’

LA SOCO QEEBAHA XIGA

MAHADSANID

BARO TAARIIKHDA DALKAAGA Hadii aad tahay Qof jecel ama daneeyo inu wax ka Ogaado ama uu wax ka barto Taariikhda Dalkiins...
14/02/2016

BARO TAARIIKHDA DALKAAGA

Hadii aad tahay Qof jecel ama daneeyo inu wax ka Ogaado ama uu wax ka barto Taariikhda Dalkiinsa Somaaliya

Maxaad ka Taqaana Taariikhda dalka somaliya Baro ama na bar
Maanta waxaan idiin so gudbineyna

________________________________________
TAARIIKHDA MAGAALADA MUQDISHO
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
KA BOGASHO WACAN
________________________________________

MUQDISHO WAA CAASIMADA JAMHUURIYADA FEDRAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho waxa ay ku taalaa Amaba eey xigta
galbeedka Badweynta Hindiya,
Run ahaanti waa magaalo Aaad u qurux badan oo indhahuna soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya Sadex jiho kaga
wareegsan tahay
Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo
Taagay waqti aad u fog oo aay waliba
taariikhyahano Fara badan isku qilaafeen in
magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama
kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.
Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi
iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta
aan la qodin Kanaalka (Suwees ) iyo jaziirada
carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada
Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6
xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen
qabaailo xaafeed kasto waxaa xukumi jiray
Xaafad waliba Sheekha ugu weeyn Ama eey ka dambeeyan dadka xaafadaas ku nool
waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo
kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan
jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee
miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay
nidaam ama maamul u eg saldanad.

MAGACAABIDA MAGACA MUQDISHO

xamar 1980meeyadi
Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen
magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu
kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada
markeedi h**e la dhihi jiray (Xamar) iyo
magacyo kale oo lamid ah sida
(Xamar weyne)
(xamar jab jab)
(Xamar Cade) iyo
(xamar daye)
waxaa macquul ah in
magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri
jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada
qadiimka ah aay soo martay, sida isbedelada
xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo
Siyaasaddaba Qaar kamid ah taariikhyahanada
ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu
h**eeyay , laakinse hadana waxaa aay isku
qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac
bulshadu aad u taqaan weliba dhanka
suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida
ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey
adeegsadaan magaca Xamar .
Micnaha Xamar carabi ahaan waa (Alxamraa),
qaar kale neh waxey ku macneeyeen oo
sheegeen inaay ka timid kalmada Ximyar oo
aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay
yemen , Dawladdaas waxey gacanta ku
haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo
kamid ah magaalada Muqdisho.
qariirada muqidhso ee Soomaaliya
Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa
lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid
kalimada Maqcad Shaah oo loola jeedo kursiga
Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira
(meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto
ama xarun ka dhigto), sida lasheegay
Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada
xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida
wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad
Shaah) waxeyna u bedeleen magaca hada
(Muqdisho) kalmada waa laba erey kala
duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga
labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor.
maka taas maloo macneyn karo in magaalada
aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku
lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga
aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka
carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u
fog Waxaa aay badi taariikhyahanada qireen in
magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray
inta aay magaaladaas soo shaac bixin,
waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii
aay dadka magaalada dhamaan diinta
Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen
dad aad looga yaqaanp gobolka, taas oo
keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka
kooban (Zinjibaar, Somaaliya , Jabuuti ) loogu
yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii
aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo
aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga, waxey noqotay
darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka
Afrika.somalia.........

LA SOCO QEEBAHA XIGA

MAHADSANID

Q/W

A.S.C all of you Salaan qima badan ayan idiin sidaaye iga gudooma qaraabo
12/10/2014

A.S.C all of you Salaan qima badan ayan idiin sidaaye iga gudooma qaraabo

wa inanki yaray ee cana madadshaha aha wuxuu si qalbi furan idinkugu so dhaweynaya page kan oo u jecelyahay inad ku wada...
12/10/2014

wa inanki yaray ee cana madadshaha aha
wuxuu si qalbi furan idinkugu so dhaweynaya
page kan oo u jecelyahay inad ku wada caweyn dotan well,come my qarabo

Address

Muyuyu Road
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taariikhda Dalkayna Soomaaliya Baro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Historical Tour Agencies in Nairobi

Show All

You may also like