Somaliland sites tv

Somaliland sites tv this type of business is services of consulting business and investment portfolio likewise economy a
(2)

waa meel aad ka helayso wixii warar ah , faalo ,madadaalo iyo sports ga

Kadeedka Qaadka/JaadkaMaalinta galinkeeda h**e waa ii orod iyo ruclayn, waa ii raadin iyo raacdayn, waa ii shaxaad iyo s...
20/12/2023

Kadeedka Qaadka/Jaadka

Maalinta galinkeeda h**e waa ii orod iyo ruclayn, waa ii raadin iyo raacdayn, waa ii shaxaad iyo sharad beena, waxaan haybiyaa hebelo aanu asxaab nahay oo aan faashka ku qabto.

Soo muuqashadayda waa laga naxaa su’aashaydana waa laga war-wareegaa. Maalinba qof baa i naca, aniguna aan nacaa, weydiinta ayuu igu nacaa, aniguna war celintiisa ayaan ku nacaa.

Waan qub dhacay, oo waan qayirmay, ma da’weyni, haddana gabax baan idhi, dhar baan xidhanahay, haddana waan qaawanahay, sharaf baan ka qaawanahay, xishood baan ka qaawanahay, xarragaan ka qaawanahay, xurmaanan ka qaawanahay, adduun ma hayo, aakhirana ma haybsho, isma xisaabiyo, mana xisaabtamo, waxaan isku dhiibay waqtiga iyo waayaha, oo kolba siday doonaan iga yeela.

Galin danbana waa ii fadhi iyo foorar, waa ii raamsi iyo mirqaan, waa ii haasaawe iyo hadal tororoga, waa ii farxad iyo faan aan fadhiga dhaafsiisnayn. Xaalada aan ku jiro k**a hadlo, mana jecli ka hadalkeeda, waayo mirqaanka ayay iga xumaynaysaa.

Waxaanse jecelahay ka hadalka xaaladaha
adduunku ka jira, Marka uu mirqaanku igu dhibqo waxaan noqdaa wada muxubo iyo kal gacal, Mar waxaan isu arkaa siyaasi ruug cadaaya oo tan iyo lixdankii soo shaqaynayay oo waxaan kala shushubaa, oo isku shushubaa siyaasadaha caalamka, Waxaan la doodaa muruq weynaha Maraykan, Waxaanan u doodaa maryo weynta carbeed.

Marna waxaan isu arkaa m***i ka jawaaba afarta mad-hab, Waxaanan u garnaqaa sunniga iyo shiicada anniga oon waligay
xer cilmi noqon, Marna waxaan is tusiyaa inaan ahay ababshaha dhalaanka iyo aabaha jacaylka, oo waxaan dhayaa dakharada cishqi iyo boogaha caashaq ee ay dhamaan dhalintu la il daran tahay.

Run ahaana maba aqaan jacaylku wuxuu yahay, Wxaanse wax walba ku dhisaa mala awaal, Marna waxaan isku arkaa maal qabeenka adduunka, oo waxaanu madal ku kulanaa Bill Gate iyo asxaabtiisa, Shilina jeebkayga kuma jiro, Marna waxaan maamulaa inta madax madaw ee uu Mawle uumay.

Xigasho Ismail Awil.

15/10/2023

Somaliland dalkayga Somaliland dalkayga

21/05/2023

Mujaahidad weeyaan gabadhaasi bilad qaran ha la siiyo !

13/04/2023

Waxyaalaha aan xusuusteena ka go'ayn ayay ka mid yihiin suugaanta ramadaanta ee waayadii h**e la sameeyey. Fannaaniintii h**e dhaxal fiican ayay inooga tageen nolosheena saaamayn weyn ku leh. Waa qasiidada daayin ilaahow noo danbi dhaafeey.

Milicsiga Maansadii HAGAR-LAAWE(1984) ee AHUN Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)Waxa isa soo taray weerarradii mucaaridkii...
10/04/2023

Milicsiga Maansadii HAGAR-LAAWE(1984) ee AHUN Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Waxa isa soo taray weerarradii mucaaridkii hubaysnaa ku hayeen Siyaad sannadihii 1983 iyo 1984.Sidaa aawadeed wuxu xoog uga dagaalamay inaan Soomaalidu u midoobin.
Wuxuu bilaabay inuu iska hor-geeyo labadii qabiil ee ood wadaagtaba,isaga oo ka faa'iidaysanaya goldoloolooyinkii jabhadaha.Waana sababihii huriyey colaadihii sokeeye ee berigaa carriga Soomaaliyeed ku baahay. Arrintaas ayey tixdanuna ka dhalatay.

Hal madaw araar iyo maanso
Harawaati roob iyo mawjad
Murti iyo higgaad nabad-doon ah,
Waayahan haddeer ku salaysan
Ahna diirad keebka hagaysa
Berritana nin nool u hal-hays ah,
"Haye cala salaa" mar kaleeto
Dhoodaanna heestu ha gaadho.


Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay habaaska dalluumay?
Ma og tahay hor-weynta la qaaday?
Ma og tahay in Hawd laga guurey?
Ma og tahay gabdhaha wada heermay?
Ma og tahay rasaasta habawday?
Ma og tahay hoggaanka la eeday?

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay "hiraay"da "wiraay"da?
Hadhaciyo bardaha laga caagay;
Haradiyo biyaha godobaysan;
Naylaha haraaryadu laysay;
Shimbiraha dhirtii hadhsan waayey;
"Hiih"diyo "hayaay"da baxaysa.

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay nacaybka la huurshay?
Ooryaha asayda hagoogtay;
Hooyada baroorta naf moodday;
Aanada ilmaha ku hadaaqay;
Dhalashiyo hablaha dhaxdin seegay.

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay habaarka dhisaalan?
Halasaha dagaalka sokeeye
Dhallintiyo halyeeyada le'eday;
Gacalkiyo hilbaha is-xasuuqay.


Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!
Habbisada dadkayga la saaray
Haan-haanta loo kala soocay
Ma-huraanka laysku lisaayo,
Hurdankiyo gabaaro-gurdayska
Halaq baa ku raad-gadanaaya.


Isagaa hubkaysugu dhiiba;
Hanadada sidaa ku shidhaysta;
Dabadeed hamuunta ku reeba.
Isagaa habeen iyo maalin
Godobtiisa reer huwinaaya;
Hadba shaadh qabiil u tolaaya.
Hindhisyaana saa qasab weeye
Dadku waa inuu hargab qaado,


Wadhi wadhi hoheey cukuyeey hoh!
Qoriyahaw hubsiino-la'aanta,
Qoriyahaw hawaawi-dhacaaga,
Qoriyahaw hinaase-la-boodku,
Jugtu waa waxaan la hagaasay.


Meeshiyo Hargeysiyo Juubba
Qoriyahaw halkaad cuskataaba,
Waa haar korkayga ku taalla;
Waa meel jidhkayga habaysa;
Dhaawaca anaa u hafeefta;
Giddi waa halboowle i qooman.

Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!
Umalkiyo naftayda hadraysa,
Hammigiyo sidaan u tol beelay,
"Hiq"du waa anoo ladi waayey.
Haybtaydi baa is-cuneeysa;
Garabkaygi bays wada heeray;
Maradaydi baygu huraysa.
Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq;
Rati heeryadiisa cunaaya
Hungo waa sidaan ahay maanta;
Dhanna hee dheh iima fayooba.


Anigaa colaadda ku hoobtay
Wiil iyo walaalba ka hoogay;
Anigaa hugaygu i diiday.

Iminkana haddaan la heshiinin
Hibashada haddaan la dawaynin
Hebel-yaa-lahaa la illaawin,
Himilooy wallee gabbalkaa dhac;
Talo-faro-ka-haaddaay mooyi;
Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh.

Anigana hadhaw iyo faallo
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay,
HAGAR-LAAWE ii geli buugga
Taariikhda aan wax hilmaamin.

Waa qasiido macaan iyo xiddigaha geeska, erayadii xasan daahir ismaciil (weedhsame)
08/04/2023

Waa qasiido macaan iyo xiddigaha geeska, erayadii xasan daahir ismaciil (weedhsame)

ERYADI Cali DhanaaneeyeLaxaanka Bakaal CirroMusic by:Furinle

Dhalinyarada garoowe oo ciyaar iyo eray bixin hal ku dhig ah ka dhigtay eryada dagaalka Laascaanood halka ay dhigoodii d...
03/04/2023

Dhalinyarada garoowe oo ciyaar iyo eray bixin hal ku dhig ah ka dhigtay eryada dagaalka Laascaanood halka ay dhigoodii dhiiqo cagaha loo galiyey ee qaar ku dhimanayaan dagaalka , qaar kalena ay qaxoonti ku noqdeen tuulayoonka Laascaanood. Ha gartaan inaan majeerteeniya ka naxayn.

Marxab marxab yaa Ramadan Wayaa marxabbika yaa ramadaan Bishii magaceedu bilaha u mudnaa Macbuudku amaanay Miyaa ramadan...
22/03/2023

Marxab marxab
yaa Ramadan
Wayaa marxabbika
yaa ramadaan
Bishii magaceedu
bilaha u mudnaa
Macbuudku amaanay
Miyaa ramadan
Marxab marxab yaa Ramadan
Wayaa marxabbika yaa ramadaan
Bishii miskiinka iyo taajir
Bishii la misoobay
Islaamku midoobay
Marxab marxab yaa Ramadan
Wayaa marxabbika yaa ramadaan
Qofkii ka masuugay
Bishuu murugoodo
Ku maarooba naarta
Miyaa ramadaan
Marxab marxab yaa Ramadan
Wayaa marxabbika yaa ramadaan
Sidii mayay hooray
Bishii mu,miniinta
Dunuubta ka maydha
Miyaa ramadan
Marxab marxab yaa Ramadan
Wayaa marxabbika yaa ramadaan
Qofkii kala miira
Xumaanta ka maaga
Bishuu ka macaasho
marxab yaa Ramadan
wayaa marxabbika yaa ramadaan
Miyaa ramadaan ....
Bishuu magaceedu
bilaha u mudnaa
macbuudku amaanay
Miyaa ramadaan

11/03/2023

Baabulaahi idaacad prank ah weeyaan bal daawo isagoo xabashi iyo carabi ku hadlaaya

Saynis yahano ayaa daah furay badweyn cusub oo sameysmi doonta  iyadoo Afrika ay bilaabeyso inay kala go’do . Talow soma...
11/03/2023

Saynis yahano ayaa daah furay badweyn cusub oo sameysmi doonta iyadoo Afrika ay bilaabeyso inay kala go’do . Talow somaliland dhankay raaci doontaa ?

Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in labada qaybood ee dhulka, oo ka kooban qaaradda labaad ee ugu weyn iyo qaaradda labaad ee ugu dadka badan adduunka, ay bilaabeen inay kala baxaan - taas oo ka dhigaysa waddo cusub oo cusub oo ay ku dhex mari karto kala qaybsanaanta.

Waddamada sida Zambia iyo Uganda ayaa maalin yeelan kara xeebo u gaar ah haddii baaxadda dhulku sii kala go'o.

Saynis yahanadu waxa ay awoodeen in ay helaan goobta saxda ah ee marka h**e laga furay qaarada - taas oo leh bedka dhulka in ka badan 30 milyan oo kilomitir oo laba jibbaaran.

Dildilaaca waxa uu ku taagan yahay xudduudaha saddex taarikada tectonic kuwaas oo si tartiib tartiib ah midba midka kale uga fogaanayay in muddo ah hadda.Khubarada cilmiga dhulka waxa ay xuseen in habkan qalafsan ee tectonic uu meel ka dhigi doono gebi ahaanba biyo cusub malaayiin sano laga bilaabo hadda.

Dadaalka caalamiga ah ayaa lagu ogaaday in dildilaaca, oo loo yaqaan East African Rift, uu hadda socdo 35 mayl ka dib markii uu markii ugu horreysay ka soo muuqday saxaraha Itoobiya 2005.

"Tani waa meesha kaliya ee dhulka ku taal oo aad ku baran karto sida jeexjeexa qaaradu u noqdo qulqul badweyn," ayuu yiri Christopher Moore, Ph.D. ardayga doctorate-ka ah ee Jaamacadda Leeds, iyada oo loo sii marayo NBC News.

Moore waxa uu isticmaalay tignoolajiyada radar-ka dayax-gacmeedka si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ee gobolka Bariga Afrika oo inta badan lala xidhiidhiyo kala goynta qunyar socodka ah ee qaaradda.

Dildilaacani waxa uu ku yaalaa xudduudaha taarikada tectonic ee Afrika, Carabta iyo Soomaaliya, 30-kii milyan ee sano ee la soo dhaafay, saxanka Carabtu wuxuu si tartiib tartiib ah uga sii fogaanayay qaaradda Afrika.

Isbeddelkan saxda ah ee tectonic-ka ayaa h**e loo arkay maadaama uu yahay kan abuuray labada Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya labada dhul ee isku xidhan.

Intaa waxaa dheer, saxan Soomaaliga ayaa sidoo kale ka fogaanaya saxanadda Afrika - isaga oo sii fiiqaya jidka Rift Valley ee Bariga Afrika.
Isticmaalka aaladaha GPS-ka, cilmi-baarayaashu waxay awoodeen inay cabbirro sax ah ku sameeyaan dhaqdhaqaaqa dhulkan.

Ken Macdonald, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga physicist-ka badda ahna borofisar Emeritus oo fadhigiisu yahay Jaamacadda California, ayaa sharaxay: “Cabbirada GPS-ka, waxaad ku cabbiri kartaa heerarka dhaqdhaqaaqa ilaa dhowr milimitir sannadkii.
Wuxuu intaas ku daray: "Markaan ka helno cabbirro badan oo GPS-ka ah, waxaan heli karnaa dareen aad u weyn oo ah waxa socda."
Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxay ku soo fataheen gobolka Canfarta iyo Bariga Afrika ee Rift Valley waxayna noqon doonaan bad cusub, qaybtaas Bariga Afrika waxay noqon doontaa qaarad yar oo gooni u ah," Macdonald ayaa xaqiijiyay.

Saddexda taarikada tectonic ayaa midba midka kale ka fogaanayaa iyaga oo ku socda xawaare kala duwan, laakiin geophysicist ayaa sharraxay in saxanka Carabtu uu ka fogaanayo Afrika qiyaastii qiyaastii hal inji sannadkii.

Labada saxan ee Afrikaanka iyo kuwa Soomaaliga ah ayaa la sheegay inay si tartiib tartiib ah u go'ayaan, qiyaastii nus inji ilaa 0.2 inji sannad kasta.

27/02/2023

Guulaysta geesiyaal qaran ayaad tihiine .

24/02/2023

Saaka iyo laascaanood

Man United ayaa Europe League ka reebtay Barcelona kadib soo laabasho cajiib ah 2-1Next United finalka Newcastle,Cida wa...
24/02/2023

Man United ayaa Europe League ka reebtay Barcelona kadib soo laabasho cajiib ah 2-1

Next United finalka Newcastle,Cida waa u saarantahay runtii . Red evils evils soo noqotay

11/02/2023
11/02/2023

Garaadada sool oo soo dhaweeyey xabad joojintii xukuumadu ku dhawaaqday (cease-fire ) ilaahow nabada noo xooji waa dad ehel iyo abtiba lehe.

08/02/2023

Oday direed muxuu ka yidhi dagaal beeleedyada daarood vs isaaq bal ila dhagayso waad qosliye.

Toddababada danbi ee ugu waa weyn islaamka ee ilaahay quraankiisa ku sheegay waxaa ka mid ah kuwan hoose :●1: Ilaahay oo...
12/12/2022

Toddababada danbi ee ugu waa weyn islaamka ee ilaahay quraankiisa ku sheegay waxaa ka mid ah kuwan hoose :
●1: Ilaahay oo aad la wadaajiso cid kale in kalinimadiisa la caabudo, Shirkiga waxaa loola jeedaa lamaanaha Alle SWT dhanka cibaadada, hogaaminta, ama sifada ama magaciisa. Waxa kale oo ay ku soo aroortay mid ka mid ah dunuubta wax dumisa, sida uu Alle SWT Qur’aanka kariimka ah waa la inoogu sheegay.
●2: Dadka dumarka daahirka ah ku eedeeya xaqdarro inay sinaysteen iyo galmo xaaraan ah waa inkaar adduun iyo aakhiro, waxayna mudan yihiin ciqaab adag. Quraanka waa la inoogu sheegay:

●3:Dambiga labaad ee wax dumiya iyo dembiga ugu weyn waa in lagu dhaqmo sixirka taasoo diinta Islaamka si adag uga mamnuucday. Waxa kale oo loo yaqaan Sihr, oo ah erey Islaami ah. Waxay dejisaa wax kasta sababta qarsoon iyo wax kasta oo lagu qiyaasi karo in la yiraahdo ama la barbar dhigo waxa dhacaya sida munaafaqnimada.
Aayad qur’aanka kariimka ah ayaa si cad u sheegtay in sixirooluhu uu khiyaamo oo kaliya isha qofka oo uu u maleeyo inuu raacay khiyaamo dhab ah, waa uun dhalanteed. Sidaa darteed, sixir, oo ay ku jiraan dhammaan noocyada iyo qaybihiisa kale oo dhami , waa dembiyada waaweyn.
Alle SWT waxa uu quraanka kariimka ah wuu inoogu sheegay.
●4:Xaqdaro qof lagu dilo:
In qof la dilo ama qof naftiisa lagu dilo si xaq darro ah waa dembi weyn, maadaama ay kor u qaadayso rabshadaha, fowdada, iyo khalkhalka bulshada dhexdeeda. Diinta Islaamka oo ah diinta Rabbaaniga ah, waxay ilaalisaa dhiigga muslimiinta, waxayna bulshada ka ilaalisaa fowdada iyo colaadahaas. Islaamku wuu innaga diiday daadinta dhiigga dad aan waxba galabsan.
5:Qaadashada / isticmaalka Ribada
Ribadu waa erey kordhinta noocyada gaarka ah ee hantida iyo alaabta. Waxa ay ku soo aroortay dembiyada waaweyn sida Alle iyo rasuulkiisa, Nebigu (NNKH), uu ku sheegay dembiyada aadka wax u burburiya. Quraanka waa la inoogu sheegay.
●6:Ka orodka goobta dagaalka:
Dembiga halaagga ah waa in aad ka cararto goobta dagaalka inta lagu jiro dagaal. Alle SWT iyo Nabigeena suuban (NNKH) waxa ay si adag ugu digeen dadka ka soo baxsada dagaalka, waxayna ugu hanjabeen Naarta. Alle SWT waxa uu quraanka kariimka ah wuu inoogu sheegay.
●7:Isticmaalka hantida Agoonta
Diinteenu waxay aad u daryeeshay maalka iyo hantida agoonta. Waxay u qoondaysay isaga qof inuu u noqdo mas'uulkiisa, oo loo saari doono inuu masuul ka noqdo xitaa in laga oohisiiyo. Sidoo kale inuu wax baro, iyo daryeelka maalkiisa ama hantidiisa. Xoolaha Agoonka ah in lagu qaato xaq darro waa xaaraan, waana xaaraan Alle SWT agtiisa.......

31/10/2022

Hadraawi mucjisadii suugaanta somaliyeed iyo islaamkaba wali ninkaasi aragtiyihiisii wey noolyihiin AHN !!!!!
Ubaxeey Ubaxeey
Indha yaab badanaa!
Kugu eegma batee
Maxay soo uriyeen
May ayaamaha qaar
Kugu soo ururaan
Immisaa jirey waa
Oontu kuu tirsanayd
Immisaa jirey waa
Arradkaagu sinnaa
Immisaa jirey waa
Noloshaadu adkayd
Immisaa jirey waa
Ajakaagu furraa
Immisaa jirey waa
Abaalkaagu sugnaa
Immisaa jirey waa
Ayaankaagu dednaa
Immisaa jirey waa
Adduunkaagu madhnaa
Immisaa jirey waa
Ishu kaa han-fogeyd

Wax aqoolka haddeer
Uskag baa ku jiree
May ayaamaha qaar
Korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar
Wuxuun uu illiyaan
Uurku wuu ku madhnaa
May waxuun Ubaxeey
Afka kuugu riddaan
Adoogaa dabadiii
May agoonimadii
Aabbe kaaga noqdaan
May illaahay hortii
Irbad kuugu huraan
Alif waa derejee
Aqoon may ku geshaan
Erey may ku faraan
Loo adeegsado meel
Aayahaaga hor yiil
May ammaan ka dhigaan!

Xageed u malaynaysaa inuu asal ahaan ka soo jeedo raysal wasaaraha cusub ee UK loo doortay? isagoo horre u ahaa wasiirka...
24/10/2022

Xageed u malaynaysaa inuu asal ahaan ka soo jeedo raysal wasaaraha cusub ee UK loo doortay? isagoo horre u ahaa wasiirka maaliyada !

Wax ka barro xaasaskii   nabiga iyo  magacayadoodii sidoo kale  awlaadii nabiga csw iyo magacyadii caruurtiisii?Sida lag...
22/10/2022

Wax ka barro xaasaskii nabiga iyo magacayadoodii sidoo kale awlaadii nabiga csw iyo magacyadii caruurtiisii?
Sida laga hayo nabi maxamed inta la garanayo waxay ahaayeen 11xaas iyo 7 caruura! Dhamaan xaasaskaa nabigu waxay ahaayeen carmal marka laga reebo caasha----------
1: khadiija bintu khuweylad
2:maariya bintu Qibdiya
3: caasha bintu abibakar
4:xabsa bintu cumar binu khadaab
5: Ramla binu Abi sufyaan al-xarbi /umu xabiiba
6:Hinda bintu Abu umaya/umu salama
7:saynab bintu jaxash
8:juweeriya bintu xaaris
9:saynab bintu khusayma /umal masaakiin
10:safiya bintu xunayn
11:maymuuna binu xaaris al-hilaaliya
Caruurta iyo magacyadoodii /awlaada waxaa kala dhalay khadiija iyo maariya Qibdiya .
Khadiiji waxay dhashay 6 caruura oo kala ahaa
1:Qaasim
2:faadumo
3:umukaltuun
4:Ruqiya
5:saynab
6: cabdilaahi/dayib daahir
+
7:Ibrahim
Dhamaan Caruurtiisu wey kawada hor geeriyoodeen nabiga marka laga reebo faadumo oo 6 bilood ka danbaysay.

INNAA LI LAAHI, WA INNAA ILLAYHI RAAJICUUNALLE SWT ha u naxariisto walaalkeen , mar na saaxiibkeen  ahaa, maareeyihii gu...
22/10/2022

INNAA LI LAAHI, WA INNAA ILLAYHI RAAJICUUN

ALLE SWT ha u naxariisto walaalkeen , mar na saaxiibkeen ahaa, maareeyihii guud ee telefishanka Horyaal 24 Tv marxuum/Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka Kitaabkiisa Midigta ka siiyo, Jannooyinkiisa na ka warraabiyo.

Carruurta, qoyska, qarraabadda, ehelka, iyo bahda Horyaal 24 Tv, iyo guud ahaan ba saxafaada Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah uu ka siiyo.

Alle ha u naxariisto.

05/10/2022

Nin daar ku jira daruur ma arkee ileen xalay roobkiibaa da, ayeeyo!

NEVER FORGET !
27/09/2022

NEVER FORGET !

27/09/2022

Kartoonkiì haddii uu qoyey qaar kaleba waan daabici ayuu yidhi saleebaan gaal.

Address

Hargeisa
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland sites tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somaliland sites tv:

Videos

Share