Yosom Travel Service Ltd

Yosom Travel Service Ltd Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Yosom Travel Service Ltd, Travel Service, zoobe, Beside Hotel Shaamo, Mogadishu.

Ku dalxiis Yosom Travel oo hel tickets qiimo jaban iyo visooyin deg deg ah.Nagala soo xiriir:+252614878888
26/10/2023

Ku dalxiis Yosom Travel oo hel tickets qiimo jaban iyo visooyin deg deg ah.

Nagala soo xiriir:+252614878888

24/10/2023

Ku soo dhawaada shirkadda duulimaadyada iyo adeeg-yada viso-yinka ee yosom travel service Ltd.

Nagala soo xiriir: +252614878888

๐Ÿ‚ Cuntooyinki Nabi Muxamed ๏ทบ Uu Jeclaa!..Waxaa Idin Soo Guuriyay (14) Toban Iyo Afar Kamid Ah Cuuntooyinki Nabigeena Suu...
10/12/2020

๐Ÿ‚ Cuntooyinki Nabi Muxamed ๏ทบ Uu Jeclaa!..

Waxaa Idin Soo Guuriyay (14) Toban Iyo Afar Kamid Ah Cuuntooyinki Nabigeena Suuban SCW ๏ทบ Jeclaa Iyo Faiidooyinkooda Oo kooban...

1- Timirta:: Nabiga SCW ๏ทบ Wuxuu Yiri: ใ€ŠGuri Ay Timir Taalo Laguma Gaajoodoใ€‹Nabiga ๏ทบ Wuxuu Kale Yiri: Timirta Cajwada Waxay Difaacdaa Sixirka... Waa Laga Yaabaa In Gurigii Nabiga SCW ๏ทบ Laga Waayo Wax Cuno Ah Laakiin Ma Dhicin In Guriga Nabiga SCW.. Laga Waayo Timir..

Waxaa kaloo Suno Nabiga ๏ทบ ka Sugnaatay Ah In Ilmaha Dhasha Dhanxanaga Loo Maryo.(Taxniik) Timirta Waxey Leedahay Faaiidiiyin Badan Waxaa kamid Ah: Timirta Waxay Nadiifisa Dhiiga, Waxay Socod Siisaa Calooda
Waxay u Fiicantahay Cudurada Wadnaha Iyo Caloosha..... Waxaa ku Jira Vitamin A, B1,B2.

2- Caanaha:: Caanaha Waxay kobciyaan Maskaxda Xusuusta , Araga... Nabiga SCW ๏ทบ Wuxuu Yiri: ''Caanuhu Wuxuu U Wanaagsanyahay Qalbiga Wuxuuna ka Dhigaa Qalbiga Qurux Wuxuuna Siiyaa Dadka Energy Iyo Furfurnaan..

3- Qaraha/Xabxabka Qaraha Qiyasti 92% Waa Biyo Waxaa kaloo ku Jira Vitamins A,B.C,E

Qaraha Nabiga SCW ๏ทบ Kolka Ee Khadiija (Alle Haka Raali Noqde) Uur Lahayd Wuxuu Siin Jiray Qaraha Wuxuu Oran Jiray Nabiga ๏ทบ ''Hadee Ogaan Lahaayeen Dumarka Uurka Leh Faa'iidada Ugu Jirta Qaraha Aad Bee U Cuni Lahaayeen...

4- Bocorka Cad:: Bocorka Wuxuu Dajiyaa Neerfaha Wuxuu Keenaa Hurdo Wuxuu Uroonyahay Madax Xanuunka Nabiga ๏ทบ Ayaa Ayaa Ino Sheegay

5- Tiinka:: Ilaahey SWT Wuxuu Quraanka ku Yiri: ใ€Š Waxaan Ku Dhaartay Tiinka Iyo Saytuunkaใ€‹ Miraha Tiinka Nabiga ๏ทบ Wuxuu Yiri: '' Miraha Tiinka Wuxuu ka Midyahay Qudaarta Jannada...

Faaiidooyinka Tiinka Waxaana kamid Ah Waxay Hoos U Dhigaa Dhig karka Waxay Ridaa Miisaanka Waxay Ka Hortagaan Kansarka Qeyba kamid Ah, Waxay Daaweeyaan Qaarka kamid Ah Xanuunada Caloosha..

6- Malabka: Xadiis Laga Soo Wariyay Nabiga ๏ทบ Aya Waxa Uu Yiri: ใ€ŠWaxan Idinku Ogahay Laba Dawo Quranka Iyo Malabkaใ€‹Malabka
Nabiga SCW๏ทบ Galaas Biyo Ah Ayuu Hal Qaando Malab Ah ku Darsan Jiray Kolkaasuu Cabi Jiray..

Malabka Marka Laga Soo Tago Macaankiisa Waxuu kaloo Leeyahay Faaidooyin Badan Wuxuu Daweeya Xanuuno Badan Xanuunada Uu Daweeyo Waxa kamid Ah Xanuunada ku Dhaca Caloosha Gastric, Finanka, Hargabka Iyo Xanuunada Beerka

7- Saliid Saytuunta:: Saliid Saytuunku Waxay U Fiicantahay Maqaarka Iyo Timaha Waxanay Dib U Dhigta Calaamadaha Gabawga, Saliid_Saytuun Nabiga ๏ทบ Wuxuu Yiri: '' Saliid Saytuun Waxay U Wanaagsanyahay Timaha Iyo Jirka Sidoo kale Caloosha Ayee Nadiifisaa...

8- Cinabka:: Cinabku Wuxu Nadiifiya Dhiiga, Waxana Xoojiya Shaqaada Kiliyaha. Iyo Ugu Danbeyn... Canabka Nabiga SCW ๏ทบ Wuxuu Yiri: ''Canabka Wuxuu U Wanaagsanyahay Dhiiga Sidoo kale Wuxuu Nadiifiyaa Kilida...

9- Qamadiga /Sareen Oo Eheed Cuntada Uu Nabiga ๏ทบ Ugu jeclaa... Nabiga SCW Wuxuu Yiri: ''Qamadigu Wuxuu U Wanaagsanyahay Qandhada Marka Laga Sameeyo Maraq...

10- Biyaha:: Nabiga SCW๏ทบ.. Wuxuu Yiri: ''Biyaha Waxay U Wanaagsanyahay kilyaha..

11- Hilibka:: Nabiga SCW๏ทบ Wuxuu Yiri: ''Hilibku Waa Boqorka Cuntooyinka Wuxuu Faa'iido U Yahay Noole Walba...

12- Rumaanka:: Nabiga SCW๏ทบ Wuxuu Yiri:: ''Rumaanka Qofkii Joogteeya Cunistiisa Waxay Ruuxdiisa ka Nadiifisaa Shayaadiinta Mudo 40 Maalmood Ah

13- Qalka:: Nabiga SCW๏ทบ.. Aad Ayuu U Isticmaali Jiray..

14- Boqoshaa Nabiga SCW๏ทบ.. Wuxuu Yiri: "Boqosha Waxay U Wanaagsanyahay Indhaha Waa Daawo...

Sidoo kale Waxaa Sunada Nabiga SCW๏ทบ Ka Mid Ah Intaan Cuntada La Bilaabin In La kabado Biyo Hal Jeer Ama Labo Jeer...

Nabiga SCW๏ทบ Wax Walba Oo Kheyr Ah Ummadiisa Waa Uu Faray...

Markasta Rasuulkeena โ€Ž๏ทบ Waa Macalinkeena Wuxuuna Barayaa Wax Walba Caafimadkeena U Wanaagsan Faaidana Inoo Leh...

Waxii Faaido Ee Nabiga ๏ทบ Ka Sugnaaday Halkan Naguso Qor Aan Kaa Faaidaysanee..

Walaal Qoraalkan Hadaa Aragto Share Dheh Oo La Wadaag Asxaabtaada Kale Kuna Sali Nabigeenii Suubanaa โ€Ž๏ทบ

Hadii aad noo saarto Page-ka waxba kaa qasaari maayaan.

Hadii aad dhahdo Rabi hakusiiyo qayb kamida ajarka qof walba oo aad gaarsiiso

Haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka India ayaa Saygeeda ka dalbatay furriin, kaddib markii ay ka weysay khilaaf 18 ...
04/09/2020

Haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka India ayaa Saygeeda ka dalbatay furriin, kaddib markii ay ka weysay khilaaf 18 bilood oo uu qabay.

Naagtan oo tagtay maxk**adda Shareecada ayaa tiri. "Ninkeygu iguma qeyliyo, xittaa cuntada ayu ii kariyaa howsha guriga ayuu iga caabiyaa.โ€

Waxay intaa raacisay, "Mar Alla markii aan qalad galo, waa uu iga cafiyaa oo ima canaanto. Waxaan rabay inaan isaga la doodo oo aan buuqno maalin walbo waxaan dareemay jaceylka oo ii qabay in uu dhintay.โ€

Dhanka kale, haweeneyda ninkeeda oo maxk**adda joogay ayaa sheegtay inuu aad u jecel yahay xaaskiisa mar walbana uu doonayo inuu ka dhigo mid faraxsan. Sidoo kale wuxuu ka codsaday maxk**ada shareecada inay soo celiso kiiska.

Wadaadka maxk**adda Shareecada, ayaa diiday codsiga haweeneyda oo ahaa furriin, wuxuuna ka codsatay lammaanaha inay xalliyaan arrinta si iskood ah Ilaaheyna ka cabsadaan oo aan loo dumin guri dhisan wax aan micno laheyn.

Haweeneydan markii maxk**adda Shareecada ay aqbali weesay codsigeeda ahaa furriin , wexee dacwadeeda la aaday maxk**adaha maxaliga balse waa laga soo diiday.

Dunida wax cajiib ah lagama waayo. Waxaan maqli jiray bani-adam janadda xitta hadii la geeyo ku celcelis ayuu rabaa.

Hada Dumarka si kasto wax walbo loogu sameeyo waa soo taganyihiin.

Maalinta Arbacada ee nagu soo aadan 22 July 2020 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida ...
21/07/2020

Maalinta Arbacada ee nagu soo aadan 22 July 2020 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee Xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
wuxuuna yiri : (ูˆูŽุงู„ููŽุฌุฑู ูˆูŽู„ูŽูŠูŽุงู„ู ุนูŽุดุฑู )

Nabigeena Muxamed SCW wuxuu yiri: ma jiro maalmo uu ilaahey ilaahey ka jecel yahay Acmaal la sameeyo tobanka Maamlmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso Bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.

3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zakariya CS, Qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) Maalinta 4-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise CS, Qofkii Sooma ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.

5) Maalinta 5-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabta Qabriga.

6) Maalinta 6-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7) Maalinta 7-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

Maalinta 8-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur'aanka ee (ุงู„ูŠูˆู… ุฃูƒู…ู„ุช ู„ูƒู… ุฏูŠู†ูƒู…).

10) Maalinta 10-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qurbaan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Wll qoralka lawadag umada Musliminta

Stadium Mogadishu
01/06/2020

Stadium Mogadishu

Ciid wangsan Dhamaan umadda somlaiyed meelkasta joogtaan Ciidaan teeda kale Allaha nagu gaarsiyo bash bash, Barwaaqo iyo...
24/05/2020

Ciid wangsan Dhamaan umadda somlaiyed meelkasta joogtaan Ciidaan teeda kale Allaha nagu gaarsiyo bash bash, Barwaaqo iyo camal suuban.

Waa sawiro muujinaya wax soo saarka dhulka soomaaliyeed!
06/05/2020

Waa sawiro muujinaya wax soo saarka dhulka soomaaliyeed!

It always seems impossible until its done.Somewhere in Dinajpur,Bangaldesh.
04/05/2020

It always seems impossible until its done.
Somewhere in Dinajpur,Bangaldesh.

Waa Qiso dhacday oo dalka mareykanka aad loola yaabay takhaatiir iyo dad badanna kusoo islaameen.2 Haweena oo Mareykan a...
24/04/2020

Waa Qiso dhacday oo dalka mareykanka aad loola yaabay takhaatiir iyo dad badanna kusoo islaameen.

2 Haweena oo Mareykan ah ayaa isku mar umulay, midi waxey Dhashay Wiil, Tan kalena Gabar, Khalad ka Dhacay kalkaalisooyinka ayaa sababay in lakala garan waayo mida Dhashay wiilka iyo Tan Gabadha Dhashay.

Mid walibana waxay ku andocootay inay iyadu Dashay wiilka, intaa ka Dib waxay Takhaatiirtu Baareen Dhiiga DNA-ga, Nasiib darro waxay Natiijadii Noqotay mid aad isugu Dhaw, Taasoo arinka kusii cakirtay Takhaatiirtii, mana aysan awoodin Helida Xal Dhaama.

si kastaaba Ha ahaatee arinkii wuxuu gaaray muslimiinta, Muslinkana waxay Sheegeen Hadii Sheekadu halkaas soo gaartay cid aan iyaga ahayn oo Xalin kartaa ineysan jirin, Takhaatiirtii isbitalka oo Fadeexad iyo culeys weyn Dareemayay waxaa Lagu soo xirey Wadaado Diinta islaamka ku xeeldheer waxayna Labadii Dakhtar ku Dhaheen wadaadka, Miyeydaan Nagu Oran jirin Wax kasta diinteenaa Xal u ah, Wadaadkii wuxuu Yiri waa Sidaas oo ilaahey Baa kitaabkiisa ku yiri, ู…ุง ูุฑุทู†ุง ููŠ ุงู„ูƒุชุงุจ ู…ู† ุดูŠุก " ee Maxaa idin Haleelay.

Takhaatiirtii waxay soo dulmareen Qisadii, Wadaadkii wuxuu Yiri: waa arin Sahlane Waxร ad baaritaan ku Sameysaan Dhibcaha Caanaha mid kasta oo labada Hooyo ah, midii caanaheedu uu Culays iyo Nafaqo badnaado ayaa Dhashay wiilka, Midii Caanaheedu uu Khafiif noqdona Gabadha, Ilaahey baa Quraankiisa ku Yiri ู„ูู„ุฐู‘ูŽูƒูŽุฑู ู…ูุซู’ู„ู ุญูŽุธู‘ู ูฑู„ุฃูู†ู’ุซูŽูŠูŽูŠู’ู† oo ah "in Labka uu la mid Yahay Qeybta Labo Dhedig". Waxaa Gaaladii istacajab ku Noqotay in awooda iyo Nafaqada Caanahii midi ay Noqotay Laba jibbaar, Sidaasoo ay ku Yaqiinsadeen mida wiilka Dhashay.

Dadka aqoonta u saxiibka ah Takhaatiirtaas oo kale ayaa Had iyo goor soo islaama kolka ay la kulmaan Mucjisooyinka Qur'aanka, waa hadii aanay ku jirin Xiqdi iyo canaad ay u Qabaan Islaanimada, waana arin aan dunida ku cusbayn oo ilaa waligiis soo jirey, Gaaladii h**e kolkay arini la ciirciirto waxay xalkeeda u raadin jireen Rasuulladii ay beeniyeen kuna jeesjeesayeen, marka loo xaliyana Badankoodu Halkooda bay ka miisi jireen.

Farxad-geli Muslimiin Badan SHARE taabo. Jazaakkallaah.

Ramadaan Kariim dhamaan umadda Somaliyeed
23/04/2020

Ramadaan Kariim dhamaan umadda Somaliyeed

Isagoo leh waan kula Kaftamayay ayuu dhintay!Luciano Re Cecconi wuxuu ahaa Xidig kubada cagta oo u cayaari jiray kooxda ...
17/04/2020

Isagoo leh waan kula Kaftamayay ayuu dhintay!

Luciano Re Cecconi wuxuu ahaa Xidig kubada cagta oo u cayaari jiray kooxda Lazio ee ka dhisan dalka Talyaaniga si weyna ayaa loo jeclaa kubadihiisa!!

Sanadkii 1977 wuxuu galay Dukaan Dahabka lagu gado,isagu wuxuu is lahaa ninka Dukaanlaha ah xoogaa iska kaftan.

Dukaanlihii ayuu ku yiri dhammaan waxa aad Dahab hayso miiska soo saar," waxaan ahay Tuug" balse niyad ahaan Luciano Re Cecconi wuxuu iska dhaadhiciyay in ninka Dukaanlaha uu yaaqaan oo uu yahay qof caan ah.

Balse ninka dahablaha wuxuu ahaa qof aan weligiisa Cayaaraha daawan jirin oo aan waxba ka aqoon kubadda cagta! wuxuuna la soo baxay qorigiisii oo rasaas ooda uga qaaday!!๐Ÿค

Luciano Re Cecconi goobtii ayuu ku dhintay isagoo leh waan kula kaftamaayay!!

Kaftanku marbu geeri sababaa!

Maxbuuskan oo 10 daqiiqo kadib ku xukunaaa dilka kursiga korontada ama danabka leh ayaa lagu yiri dardaaran waxaad heyst...
16/04/2020

Maxbuuskan oo 10 daqiiqo kadib ku xukunaaa dilka kursiga korontada ama danabka leh ayaa lagu yiri dardaaran waxaad heystaa 10 daqiiqo, waxa uu codsaday qalin iyo warqad waxana uu qoray qisadan.

Hooyadeyda Qaliga ah, hadii sharciga manta la i marinayaa yahay mid cadaalad ah waxaan sugayaa inaad noqoto qofka igu xiga ee kursigan lagu dilo, laakin sharcigu hadii uu indha la'yahay danbiilaha waa aniga kaliya.

waxana uu bilaabay qisadan.

Hooyo ma xasuusataa sida aan ku bilaabay dhibaatada geerida igu hogaamisay manta, hooyo markii aan 3-sana jiray waxaan xaday macmacaan walaalkey lahaa lkn ima canaan malintaas qaladkas aan ku dhacay, hooya si fiica ma u xasuusataa markii aan jiray 5 sano waxaan dariska kasoo xaday Boombalo ( Toy ) waxaana ku qarsaday guriga adiga oo arkayo, waxbana ima dhihin, Hooya ma xasuusata markii aan 12 sana jiray waxaan xaday kubadii ina adeerkey waxana ku qarsaday Karaashkeena adiga oo arkayo lkn waxaad u sheegtay ina adeerkey inaadan arag kubadiisa.

Hooya ma xasuusataa markii aan 15 jir ahaa waxan ka dhuuntay iskuulka balse malintaas aabe waxa uu raabay in uu saaid ii ciqaabo, lkn adiga ayaa i difaacay oo dhahay waa yaryahay wiilkeygu, macalimiinta ayaana been sheegayo waa ka qeyb galay fasalka wiilkeygu, waad i difaacday ilaa habeenkii waxadna dhahday wiilkeyga ayaa saxan lkn qalad ayaad igu hogaamisay jaceylka aad i qabtay.

Hooyo ma xasuusataa aniga oo 17 sana jir ah ayaan dariska kasoo xaday Baaskiil (Bicycle) lakin qaladkeyga cidna ugama warbixin xitaa poliska ayaad been u sheegtay markii ay imaadeen guriga wadna arkaysay markii aan Baskiilka soo xareystay.

Hooya waad i jecleed waliba jaceyl xad dhaaf ah laakin malina k**a fikin inaad nafteyda saxdo ama aad wanaaga igu canaanto si akhlaaqdeydu ay u hagaagto, laakin manta waxaan noqday qof bolol ah oo qurmay oo laga baqayo in uu wasaqeeyo jeelka yar yar ee dalka usoo baxaya.

Halkaas ayaan kasoo bilaabay cashardayda xumaa mantana waa qalinjebinteydii oo waxaan fadhiyaa kursigii geerida waana halka aan kaga qalin jebinayo casharadii aan soo qaatay oo dhan, waxaa sugayaa in madaxyga lagu qarxiyo danba koronta, Hooya markaas waxaan kaaga baahnaa inaad i barto wadada hagaagsan oo aad i hanuuniso.

Hooya marka aad shekadeyda aqriso waxaa dhex jiifa qabriga laakiin tani waa sheeka xaqiiqa ah oo hooya wiilkeeda jecel qabriga ku geysay.

Dhamaan waalidiinta caalamka, gaar ahn kuwa caruurtooda u jecel sida Hooyadeey waxaan leeyahay " jeclaada caruurtiina, laakin ha hilmaaminaha akhlaaqdooda iyo toosintooda.

Cashiradii laga bartay maalmihii lasoo dhaafay ee Coronavirus 1. Shiinaha wuxuu ku guuleystey dagaalkii 3aad   ee adduun...
06/04/2020

Cashiradii laga bartay maalmihii lasoo dhaafay ee Coronavirus

1. Shiinaha wuxuu ku guuleystey dagaalkii 3aad ee adduunka iyadoon gantaal laridin.
2. Dadka reer Yurub Maahan dad cilmi badan sida ay u muuqdaan.
3. Taajiriintu wee ka difaac yaryihiin kuwa faqiiriinta ah.
4. Ma jiro wadaad, Macalin ama sixiroole badbaadin kara bukaanka.
5. Dhakhaatiirtu way ka qiimo badan yihiin ciyaaryahanada kubada cagta.
6. Saliiddu/Shidaalka qiimo kuma laha bulshada dhexdeeda iyadoo aan la isticmaaleyn.
7. Dadku inta badan waxay si raaxo leh uga shaqeyn karaan gurigooda.
8. Qof waliba ma dooran karo cuntada uu rabo inta uu Covid19 jiro.
9. Ku noolaanshaha nolol nadaafadeed ma aha mid dhib ah.
10. Warbaahintu waa mid aan micno lahayn.
11. Jilaayaashu waa uun madadaaliyaal, ee ma ahan geesiyaal.
12. Noloshu waa mid aad u jilicsan, sidaa darteed si taxaddar leh u mareee.

Fadlan la wadaag Asxaabtaaada sidoo kale Akhristoow qodobkee ku cajabiyay.

Ugaas Dhiblawe

Nin Shiinees ayaa ugu dhintay gobalka Yunnan cudur cusub oo loo yaqaano Hantavirus kadib markii laga helay isaga iyo 32 ...
24/03/2020

Nin Shiinees ayaa ugu dhintay gobalka Yunnan cudur cusub oo loo yaqaano Hantavirus kadib markii laga helay isaga iyo 32 qof oo kale oo gaari bas ay wada saarnaaayeen.

Hantavirus ayaa walaac xoogan oo cusub ka abuuray Shiinaha iyo dunida inteeda kale waxaana cudur uu dhalay Coronovirus, wuxuuna ka qatar badan yahay Carona, xitaa waxuu saameynayaa shaqaalaha caafimaadka ee dabiibaya qofka qaba Hantavirus.

Mahadsanidiin Dhamaan jaalayaal
22/03/2020

Mahadsanidiin Dhamaan jaalayaal

Jaakadda Ninkii caruurta ay u dhashay oo geeriyooday 8 sano ka hor ayaa darbiga suran.!๐Ÿ˜ญMar walba oo lacag baaqi ah ka s...
22/03/2020

Jaakadda Ninkii caruurta ay u dhashay oo geeriyooday 8 sano ka hor ayaa darbiga suran.!๐Ÿ˜ญ

Mar walba oo lacag baaqi ah ka soo harto adeegga maalin laha ah waa ay ku riddaa jeebka jaakaddan marka caruurteeda ay weydiistaan lacag waxa ay ku tiraahdaa ordoo jeebka aabe kala soo baxa, si xusuustooda uusan uga go'in aabahood.!

Astaamaha hooyada wanaagsan ilaahow Hooyoyinkeena Janeey.๐Ÿ‘

La wadaag Asxaabtaada

๐Ÿ’HOOYO๐Ÿ’ŸNin Ayaa La Waydiiyay Hooyadaa Iyo Dayaxa Yaa Qurux Badan?!Wuxuu Ku Jawaabay" hadaan Hooyaday Arko waan Ilaawaa (...
19/03/2020

๐Ÿ’HOOYO๐Ÿ’Ÿ

Nin Ayaa La Waydiiyay Hooyadaa Iyo Dayaxa Yaa Qurux Badan?!

Wuxuu Ku Jawaabay" hadaan Hooyaday Arko waan Ilaawaa (Hilmaamaa) Dayaxa.. Hadaan Dayaxa Arkana Waxaan Xusuustaa Hooyaday!!

Rabiyoow Hooyooyinkeen U Dambi Dhaaf Oo Sii Caafimaad Iyo Cimri Barakaysan Kana Dhig Dadka Janada Gala
Aamiin. Aamin ๐Ÿ‘๐Ÿ‘

Nin professor oo macalin jaamacad ka ah ayaa wuxuu su'aal weeydiiyey ardeydiisa waxuuna yiri sidan:"Haddii adigoo haysta...
19/03/2020

Nin professor oo macalin jaamacad ka ah ayaa wuxuu su'aal weeydiiyey ardeydiisa waxuuna yiri sidan:

"Haddii adigoo haysta 86,400 dollar uu qof kaa xado 10 dollar oo uu kaala cararo miyaad eryan laheyd ama bursan laheyd adigoo gacanta ku haysta inta kuu hartay oo ah 86,390 dollar?

Ama waad iska deyn lahayd oo lacagta inta kuu hartay ayaad ilaashan lahayd?"

Dhammaan ardaydii waxay ku jawaabeen " waa iska dhaafi lahaa oo waxaan ilaashan lahaa 86,390ka dollar ee ii haray"

Macalinkii wuxuu yiri "Dhammantiin sidaas caksigeeda ama bedelkeeda ayaad sameysaan oo waxaad qasaarisaan 86,390 dollar si aad u heshaan 10 dollar!!

86,400 waa ilbiriqsiyada maalinka (24 saac = 8640 ilbiriqsi) Adigana hal eray oo qof kudhahay 10 ilbiriqsi oo ku dhibtay ama aad ka xumaatay ayaad ka fekertaa eraygaas lagu yiri maalinka oo dhan sidaa darteed 10 ilbiriqsi oo lagaa qasaariyey ayaad u lumisaa 86,390ka ilbiriqsi ee kuu haray

Dulucdu waxa ay tahay Hal eray oo laguugu yiri waqtigaaga haku qasaarin hana kafakarin ee h**e uga soco waqtigu waa qaali ilbiriqsigii ku dhaafana kuuma soo noqonaayo.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

19/03/2020

Address

Zoobe, Beside Hotel Shaamo
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yosom Travel Service Ltd posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yosom Travel Service Ltd:

Videos

Share

Category