25/06/2023
SUDAYSI yare 12:30 Habeenimo baan la kulmay isagoo nin ka wayni dilay oo ooyaya, dad kii oohintisa kusoo uruuray waxay isugu markhaati fureen in uu yahay qof yar oo masuul ah shaqaysta, xabag aan cabin anigu se h**e uma aqoon. Wada Sheekaysi na dhex maray sidan buu noqday:
Wuxu iisheegay in uu yahay 13 jir qabiil ahaana yahay Reer yoonis - looge, hooyadiina tahay sacad muuse (cid ay ka siitahay magaranayo sacad muse ) waxa la dhahaa farduus adan xuseen xayd, waxa ugu danbaysay isaga oo yar hooyadii , habaryarihii wuxu ka xasuusta xawa adan xusen xayd , khadija adan xusen xayd iyo casha adan xuseen xayd.
Wuxu ii sheegay in uu ubaahan yahay in uula hadlo hooyadi iyo habar yarihii lkn uusan lanbar ka hayn.
dhawr jeer buu lacag uruursaday si uu Hargeisa uga baadh baadho rer abtiyaashii lkn waxa diiday shirkadaha dalka ukala safra in ay qaadaan oo Hargeisa geeyan madama uu yahay ilmo yar oo an cid waddan.
Waxa iga yaabiyay 2 arin , midi wuxu aha markan ku idhi ma cashaysay wuxu igu yidhi maya oo nin hudheele ah baa nagu yidhi cashaan idiin keenayaaye halka ii fadhiista markan u fadhiisanayna wuxu nagu shubay biyo xall ah, kuye wuxu ahaa ina gumeed janis nagu hellay. Marna hadalkisan ku qoslay marna naxariis darrada dadkena qaarkod ban la yaabay.
Waxa kale oo iga yaabiyay in sudaysi yare marki an ku idhi aabo lanbar maka haysa uu ii sheegay lanbar ka aabihi - wuxu igu yidhi bal garaac hadda aabahay wuxu ku odhan doona maandhaline talefanka iidhig, wuxu kale oo iisheegy in ramadaantii u guriga ka soo eryay aabihi , suuqa iyo shaqaddana uu ku daalay oo uu u baahan yahay hooyadii iyo habar yarihii iyo Hargeisa.
FG: 1- sudaysi wuxu iga codsaday in aan sawiro oo baafiyo si hooyadi ugarato. wuxu kale oo dhawr jeer ii sheegay in uu wayay cid fahanta oo rumaysata lana baadi goobta hooyadii. Hadii hooyadii iyo ama mid kamida habar yarihi la garto halkan nagala so xidhiidha.
2- sababta kale ee an u baahiyay waxay ahayd in dadkii marki koowad kuso uruuray ay garteen in uu yahay ninka ugu akhyaarsan baalashlayasha agagaarkan.
Xigasho Abdiraxman Yaasin