Dhaaj Mcm

Dhaaj Mcm Waxaad ka heli kartaa taariikhaha islaamka iyo dhacdooyinka caalamka

27/02/2024

Istaqfurullaah ilaahoow noo danbi dhaaf wixii aan galnay wuxuu ahaa wax aanaan ku bararugsanayn natiijadiisa waxaa naga dhacay qaladkii ugu horeeyay een si wadajir ah uga galnay shacabka danbaled

Inaad nasatood dagtiyo naruuro ku hay qalbiga
23/02/2024

Inaad nasatood dagtiyo naruuro ku hay qalbiga

23/02/2024

Jumca mubarik

22/02/2024

Dar uu geesi xidhay bay
Doqoni kacabtaa

Soomali hawl maahine hadal mareebin

FG:Sawirku Waa Xasuusta Cawyska jimcaha oo kaliya
Jumca mubarik

13/02/2024

Alla hobeey hobaaligayeeyaa hoobeey hoobeey hobaaligayeeyaa hoobeey cod dahabiya

12/02/2024
10/02/2024

Qabiilkaagu ma ku jiraa

09/02/2024

Bayloodkii qarankoo biya dhaaminaaya

08/02/2024

Waxaadan lahayn haku istiinin

Saynisyahan Xasan Sh/Cabdiraxmaan Cilmi         Xasan waa aqoonyahan da’yar oo ka mid ah jiilasha ay soo saareen Jaamaca...
06/02/2024

Saynisyahan Xasan Sh/Cabdiraxmaan Cilmi


Xasan waa aqoonyahan da’yar oo ka mid ah jiilasha ay soo saareen Jaamacaddaha gudaha ee Soomaalidu. Waa Aqoonyahan isaga oo da’yar ka qayb noqday dadaalada ay Saynisyahannadu ugu jiraan inay wax cusub ka ogaadaan koonkan iyo waxa ku dhex uuman. Waa daraaseeye noolaha iyo bi’ada uu ku noolyahay. Waxa uu shahaadada koobaada ka qaatay jaamacadda Camuud isaga oo ka bartay aqoonta Biology. Waxa uu shahaadada labaad ka qaatay jaamacadda tiknoolajida ee Maleesiya isaga oo ka bartay aqoonta Biotechnology. Waxa uu hadda ka wadaa shahaadada saddexaad ee PhD-da jaamacadda Jaarles ee dalka Jeega isaga ka diyaarinaya aqoonta Zoology.

Xasan waxa uu ka shaqeeyay ilaa haddana ka shaqeeyaa oo uu xilal kala duwan oo ah ku xigaha hormuudka kuliyada waxbrashada, Bare, Cilmibaadhe iyo Agaamsime ka noqday Jaamacadda Camuud.

Waxa uu ka mid ahaa Xasan, cilmibaadhayaal daraasad ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood ku daahfuray nuuc cusub oo ah xayawaanka “ODEY-FUUL-FUULKA(Entyposis frici)” oo laga helo dhulka Soomaalida. Sidoo kale aqoonyahan Xasan waxa uu qayb ka ahaa cilmi baadhis kale oo lagu ogaaday shan nuuc oo cusub oo ah xayawaanka Hangaralleha ah, ku waasi oo laga helo dhulka Soomaalida iyo Itoobiya. Waxa xusid mudan nuucyadan cusub in laba ka mid ah looga magac dhigay maagalada Ceerigaabo iyo Soomaalilaan. Sidoo kale aqoonyahan Xasan waxa uu qayb ka ahaa daarasad lagu diwaan galiyay nuuc cusub oo ka mid ah Masaska dunida ugu yaryar oo horey 1935 la ogaaday in laga helo dhulka Soomaalida gaar ahaan buntilaan. Nuucan cusub waxa ay ka diwaan geliyeen gobolada waqooyiga Soomaaliya gaar ahaa gobolka waqooyi galbeed. Mar kale Saynisyahan Xasan waxa uu qayb ka ahaa cilmi baadhis lagu daahfuray nuuc cusub oo ka mid ah dhirta Ceropegia oo laga helo geeska Afrika.

Xasan waa aqoonyahan ku xeel dheer darsida noolaha iyo habka uu u noolyahay. Waa aqoonyahan ay ka faa’idaysan karaan cid kaste oo barata ama ku hawlan daarsad ku saabsan cilmiyada la xidhiidha noolaha iyo bi’ada uu ku noolyahay. Qoraalada iyo cilmi baadhisyada uu sameeyay ama ka qayb qaatay waxa ka mid ah;

1. Phylogeny, biogeography, and integrative taxonomic revision of the Afro-Arabian rodent genus Ochromyscus (Muridae: Murinae: Praomyini)
2. Are vipers prototypic fear-evoking snakes? A cross-cultural comparison of Somalis and Czechs
3. Trogidae, Hybosoridae and Scarabaeidae: Dynamopodinae (Coleoptera: Scarabaeoidea) of Somaliland
4. The bigger the threat, the longer the gaze? A cross-cultural study of Somalis and Czechs
5. Scorpions of the Horn of Africa (Arachnida: Scorpiones). Part XXIX. A new species of Neobuthus from Somaliland (Buthidae)
6. Animals evoking fear in the Cradle of Humankind: snakes, scorpions, and large carnivores
7. Diversity of Sand Snakes (Psammophiidae, Psammophis) in the Horn of Africa, with the description of a new species from Somalia
8. Entyposis frici (Coleoptera, Scarabaeidae, Melolonthinae), a new species from Somaliland
9. [Viskeraalinen leishmaniaasi tunnistamattomana tappavana tautina] Visceral leishmaniasis as an unrecognized deadly disease
10. DO SPIDERS RIDE ON THE FEAR OF SCORPIONS? A CROSS-CULTURAL EYE TRACKING STUDY
11. Spontaneous attentional bias: an eye-tracking experiment Background
12. A new species of Euphorbia subgen. Euphorbia sect. Euphorbia (Euphorbiaceae) from the Horn of Africa, with a list of succulent spiny Euphorbia from Somaliland
13. Molecular characterization of Acomys louisae from Somaliland: a deep divergence and contrasting genetic patterns in a rift zone
14. New species of Ceropegia (Apocynaceae) from the Horn of Africa
15. Dangerous snakes of Somaliland
16. Beetles of the tribe Anthiini in Somaliland, genera Anthia, Cypholoba and Termophilum (Coleoptera: Carabidae)
17. Phylogeny and Systematic Revision of the Gecko Genus Hemidactylus from the Horn of Africa (Squamata: Gekkonidae)
18. Succulent spiny Euphorbia in Somaliland
19. Mammals of Somaliland
20. Aloes of Somaliland
21. Scorpions of the Horn of Africa (Arachnida: Scorpiones). Part XXI. Parabuthus (Buthidae) (Part II), with description of five new species from Somaliland and Ethiopia
22. Stapeliads of Somaliland
23. New records of one of the least known snakes, Telescopus pulcher (Squamata: Colubridae) from the Horn of Africa
24. Scorpions of the Horn of Africa (Arachnida: Scorpiones). Part XV. Review of the genus Gint Kovařík et al., 2013, with description of three new species from Somaliland (Scorpiones, Buthidae)
25. Amphibians of Somaliland
26. Scorpions of the Horn of Africa (Arachnida, Scorpiones). Part XVII.Revision of Neobuthus, with description of seven new species from Ethiopia, Kenya and Somaliland (Buthidae)
27. Scorpions of the Horn of Africa (Arachnida: Scorpiones). Part XIII. Review of Pandinops hawkeri, P. peeli, P. platycheles, and P. pugilator (Scorpionidae)

Iyo kuwa kale oon halkan kuxusnayn

06/02/2024

Sharma boy hees ku karbaashay muuse biixi

04/02/2024

Lafti nagaa ha noo dhiibin
Sharmaa boy karbaashkii Aduunka

04/02/2024

Tuducyo kamida Maansada dhabaystay

waana maanso maansooyinka aan qoray ugu jeclahay

Dhamaan qof laxaadyadiisa
Sidaad ugu wada dhanaysay
Sidaad dhiiciyo qalaacyo
Dhutiyo ugu diiday iimo
Allow qurux ugu dhamaysay

Sidaad u dhigtiyo nidaamka
Markaan dheehdeen jaleeco
Waxaan ka dhaxlaa yaqiine
Dhameeyo umuurahaaga
Dhabaystay awoodahaaga

Qof kale dhabarkiyo xanjaadka
Garbaha dhudunkiyo kuraanta
Sidaad lugta uga dhantaashay
U karin socodkiyo dhaqaaqa
Dhulkiyo ciida u gurguurto

Sidaaad u dhigtiyo nidaamka
Markaan dheehdeen jecleeco
Waxaan ka dhaxlaa yaqiine
Dhameeye umuurahaaga
Dhabaystay awoodahaaga

Eraysame

04/02/2024

Inkastoo ay haweenkiyo
Raggu haatan siman yihiin
Waxaan kuu hayaa..

30/12/2023

Labada aafaad bal ila dhagayso

Gabaygaa Ugaaska Adeerkay ah iga gaadhsiiya!Ugaas C.rashiid Ugaas.Rooble Ugaas.Doodi.Ragganimo Rabbaa kuu Dhash-shoo Dhi...
23/10/2023

Gabaygaa Ugaaska Adeerkay ah iga gaadhsiiya!
Ugaas C.rashiid Ugaas.Rooble Ugaas.Doodi.

Ragganimo Rabbaa kuu Dhash-shoo Dhiirranaatahaye.

Dhabeel Lagu Nastoow Dhir-sariyo Dhamal Hadh-laa tahaye.

Dhibic lagu Badhaadhiyo Runtii Dhool Gu'baatahaye.

Dhankastoo Lafiirshaba Milgaha Dhuux Dunaa tahaye.

Gaban aan ku dhaatana Dhiggaa Hooyo may dhaline .

Dheeggoow Inaadeer cab-qari dhaygagaatahaye.

Alle kuma dhantaalinoo Runtii kaama dhigin Nacase.

Dhinacaad iga joogtana Dhabtii Dhaxani waa Ceebe.

Dhankaagaan ku diirsaday wax-qabad dheefta Nabadeede.

Dhaar baan ku Mari inuuna dhicin waajib kaa dhumine.

Kun dharaaro noo joog Qorshuhu wuu dhammaysyahaye.

Abdisalam Shanta

Borame ,Awdal state,Somalia.

Sabti,21/10/2023GC.

Waar reer sheesh samaroonoow ciyaarta naga daaya waligiin waad caban doontaanIlaa gaadhayo maalinta hal wadan awoodeenu ...
22/10/2023

Waar reer sheesh samaroonoow ciyaarta naga daaya waligiin waad caban doontaan
Ilaa gaadhayo maalinta hal wadan awoodeenu ku ururayso

Micnihii intaan xuduudka inoo dhexeeya iska dhex qaadayno Ethiopia ba aan kuwada biirnee

Intaa ka hor calacalkeenu wuu sii balaadhan mooyee haka yaabin inaan guul aan ku faano gaadhi karno I indhala'aanta iska daaya nimanyahoow

Aan wada hadalno waa aan heeshiinoNin kaa xoog badan hortaa buu xanaaqaa
21/10/2023

Aan wada hadalno waa aan heeshiino
Nin kaa xoog badan hortaa buu xanaaqaa

Ansixinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aadGudiga Maareynta Xafiiska Waxbarashada DDS oo galabta shir yeeshay waxay isla...
07/09/2023

Ansixinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad

Gudiga Maareynta Xafiiska Waxbarashada DDS oo galabta shir yeeshay waxay isla ansixiyeen natiijada uu ardayga fasalka 8aad ku gudbayo kadib markii la isla falanqeeyay.

Musharixiinta Imtixaanka Fasalka 8aad waxay ahaayeen 40,375 arday (25,569 Lab ah iyo 14,806 Dhadig ah), waxaa imtixaanka ufadhiisatay 38,338 arday (24,389 Lab iyo 13,949 Dhadig ah). Waxaa gudbay 28,119 arday (17,619 Lab iyo 10,500 Dhadig) oo udhigan 73%.

Dhibcaha la ansixiyay ee laga qabtay waa sidan:

Wiilasha: 50% iyo wixii ka sareeya
Gabdhaha: 48% iyo wixii ka sareeya

Waxaa jira carruur baahiyo gaar ah qaba (SNE) iyagana waxaa laga qabtay:
Wiilasha SNE: 46%
Gabdhaha SNE: 44%

halaga qayb-qaato, waxyar oo aad bixisay ayaa wax-weyn badali kara, si natiijada ardaydeena ay u hagaagto, ardaydeenana ay heer caalami kuwa ka tartami kara unoqdaan, Kaabayaasha hormarineed ee dugsiyada waa muhim. Qofkii Dugsi dhisi kara waa lasoo dhaweyn, midkii kaaba hormarineed oo dugsiyada ka maqan ku dari waa lasoo dhaweyn, waxyar oo aad ku dartana wax-weyn ayay kordhin ee aan dhamaanteen ka qayb-qaadano Ololaha Waxbarashada Jiilka ee socda.

Idil Barkhad Ayaa sameeysay Application cusub oo lagu magacaabo WadnaKulan, kaas oo raga iyo gabdhaha Somaliyed ee ku no...
07/09/2023

Idil Barkhad Ayaa sameeysay Application cusub oo lagu magacaabo WadnaKulan, kaas oo raga iyo gabdhaha Somaliyed ee ku nool Canada iyo USA ay calafkooda ka raadsan karaan.

Hadii aad dooneyso lamaanahaaga rasmiga dhowaan iska diiwaan gali WadnaKulan oo laga yaabo inaad ka hesho wiil ama gabar ku qancida oo ku nool USA ama Canada

Idris Alteeso

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaaj Mcm posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share