11/21/2023
Safarka Soomaalida daafaha dunida isaga kala gooshta..
Nin ayaan tikid u jarnay u socda dalka Sweden, wuxuu 5 saac ku hakan lahaa magaaladda Frankfurt. Wuxuu ka soo raacay magaaladda Minneapolis gobolka Minnesota (MSP) diyaarad la yiraahdo Condor oo asbuucii hal mar tagta magaaladda Frankfurt.
Halkaana wuxuu ka sii raaci lahaa Scandinavian Airline. Mushkiladdu waxay aheyd maadama uu ninku mar dhoof ahaa sida ay Soomaalidu u badan tahay, indho adeyg aysan waayo aragnimo wehelina uu kaashanayay maankiisa waxaa ku jirtay in uu isla diyaarada Condor ka sii raaci doono Frankfurt oo Stockholm ku tagi doono.
Horeyna si fiican sida caadiga ah uma fahmin ama ma uusan rabinba inuu fahmo sharaxaadda socdaalkiisa ee ruuxa tikid ka u jaray siinayay. Markii uu diyaaradda ka dagay wuxuu h**ey ka abaaray oo uu raadsaday isla diyaaraddii Condor oo soo raacay markii h**e, qaacada diyaarada lagu sugo ayuuna waqtigiisii ku qaatay oo shan saac iska fadhiyay isagoo isu hestay in aysan waxba ka qasneyn.
Kolkii la gaaray xiligii diyaaradda la raaci lahaa ayuu la soo baxay boarding pass Stockholm ah iyo passsport-kiisa una taagay gabadhii hubineysay musaafiriinta safarka ah warqadahooda, kadiba waxaa lagu war geliyay in diyaaraddan u scooto isla Minneapolis tii uu ka yimid, saacad ka horna ay baxday diyaaradiisii, uuna meel qaldan joogay oo haatan uuba Mareykan anbad u yahay…
Wixii intaa ka danbeeyay ninkii tikidka soo jaray tuug buu ahaa!!
- Qiso Dhab Ah-